Hogaamiyaha Al-shabaab oo shaaciyey in ay ku biireen ururka Al-Qaa’icda
February 10, 2012 - Written byHogaamiyaha ururka Al-Qaacid Dr Ayman Dawaahir ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyey in ururka Al-shabaab ay ku biireen ururka Al-qaacid , Cajal lagu faafiyey barta Inter netka ee lagu qoro wararka Al-qaacid oo uu ka soo muuq day Hogaamiyaha ururka Al-Qacida Dr Ayman Dawaahiri iyo cod lagu lifaaqay oo uu leeyahay hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane (Abu Zubeyr) ayaa waxaa ay sheegeen in ay dadka Islaamka ay farxad gelinayso talaabadaan ay ururka Al-shabaab ugu biireen urur ka Al-Qacida iyadoo arrinkaas ay ka caraysiinayso dadka gaalada ah.
Guddoomiyaha ururka Al-shabaab Sh Axmed Cabdi Godane (Abuzubeyr ) ayaa sheegay in uu isagu yahay askari ka mid ah ururka Al-qaacida balan uu la galay Hogaamiyaha ururka Al-qaacida Dr Ayman Dawaahiri , Hogaamiyaha ururka Al-shabaab Sh.Axmed Cabdi Godane (Abu Zubeyr) ayaa sheegay in uu isaga oo wakiil ka ah ururka Al-shabaab iyo madaxdiisa uu Bayco ama balan la galayo ururka Al.qaacida arrinkaas oo uu soo dhaweeyey Madax ururka Al-shabaab Dr Ayman Dawaahiri.
Hogaanka Ururka Al-shabaab ayaa horey u sheegtay inay wadashaqan ka dhexeyso ururka Al-Qacida, bishii Junna sanadkii hore ka dib markii ciidanka Maraykanka ay dileen Hogaamiyihii Al-Qacida Shiikh Osman Bin Laden iyagoo sheegay in ay adeecayaan amiirka cusub ee loo magacaabay Al-Qaid ee Dr Ayman Dawaahiri.
Dadka u dhuun dalool dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ayaa iyagu horay u ogaa in ururka Al-shabaab iyo Madaxdiisu ay wada shaqan buuxda ay ka dhexeysay ururka Al-shabaab haddan aysan noqon wax lala yaabo in ururka Al-shabaab uu si toos ugu biiro ururka Al-Qaacid.
A/cawaale
Halgan.net

.gif)

