Iska horimaad hubeysan oo ka dhacay Xaafada Horumar ee magaalada Gaalkacyo

February 8, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Iska horimaad  hubaysan ayaa saaka waxaa uu ka dhacay  xaafada Horumar  ee magaalada Gaalkacyo ee xarun ta Gobolka Mudug , iska horimaadka ayaa qarxay ka dib markii maleeshiyaad beeleed hubeysan oo ay weerar een gaari Tiknika ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan Puntlland oo iyagu xaafada Horumar ka wada howl galo ay ku raadi nayaan koox maalmo ka hor ku dilay magaalada Gaalkacy allaha u naxariistee Guddoomi yihii xaafada Isaraac ee magaalada Gaalkacyo, warar kale oo arrinkaas khilaafsan ayaa sheegay in dagaalku uu u dhexeeyey 2-bo maleeshiyaad beeleed.

Iska horimaadka ayaa bilowday 10-kii subaxnimo  iyadoo ilaa haatan la maqlayo rasaasta walow ay hadda aad u yaraatay ,ciidamo ka tirsan ilaalada garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa aad u adkeeyey amaanka garoonka iyo goobaha ku dhow dhow  ka dib markii rasaas wiifta ah ku soo agdhacday  agagaarka garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa xoojiyey ciidankii howl galka ka wada xaafada Horumar  iyadoo rasaasta ay ridayaan ciidan ka iyo maleeshiyaadka hubaysan ay hadda aad u yaraatay ka dib markii ay ciidanku ku faafeen xaafada Horumar, ilaa hadda si cad looma oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka hubaysan ee ka dhacay xaafada Horumar.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay madaxda Maamulka Gobolka Mudug ee Puntlland oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay  Xaafada Horumar iyo wax sababay dagaalka iyo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay, xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid xasiloon walow dadku ay hadal hayaan sababaha dhaliyey dagaalka saaka dhacay.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online