Khudbadii Ra.iisul wasaaraha dalka Ingriiska David Cameron

February 23, 2012 - Written by

London:-Ra.iisul wasaaraha dalka Ingriiska  David Cameron ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay waxaad ii saamaxdaan in aad idinku soo dhaweeyo caasimada dalka Ingiriiska ee London  anigoo idinkaga mahad noqoya imaatinkiina shirkaan , shirkaan ma ah kaliya kii ugu horeeyey ee intaas oo wadan iyo Hay.addao caalami ah ay ka soo qayb galaan oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya balse waxaa na soo jiitay Hay.addaha dowliga ah iyo madaxda caalamka ee ka kala yimid Qaaradaha aduunka  gaar ahaa Midowga Afrika , Midowga Yurub ,Ururka Islaamka, iyo United Nations.

Ra.iisul wasaaraha dalka Ingriiska  David Cameron ayaa sidoo kale xusay in uu ku faraxsan yahay ergada Soomaaliada ee ka qayb galaysa shirka oo uu ku tilmaamay in ay ka yimaadeen  magaalooyinka aysan ka arrimin kooxaha diidan DFKM  waxaa is wiidiin lahaa maxaa shirkaan loo qabtay maxaase la filayaa in lagu gaaro?

Ra.iisul wasaaraha dalka Ingriiska  David Cameron ayaa yiri waa maxay u jeedada aan maanta u shirayno anagoo oo og in Soomaaliaya ay mud fara badan ay ka jirta dagaalo, gaajo iyo faqri ayna dagaalo ku dhinteen in ka badan  arrinkaas oo ah wax laga naxo  arrinkaas oo aduunka ku reebtay calool xumo ,mar hore oo aan kulan aan la yeeshay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool London waxaa ay ii sheegeen in ay u baqayaan eheladooda iyaguna ay dagaalo kaga soo carareen dalkoodii hooyo sidaas darteedna ay muhiim tahay in wax laga qabto arrinta dalka Soomaaliya.

Ra.iisul wasaaraha dalka Ingriiska  David Cameron  mushkilada dalka Soomaaliya ma ah mid ku eg dalka Soomaaliya kaliya balse waxaa ay samaaynaysa caalamka oo dhan  oo fowdada , dagaalada iyo burcadbadeedu waxay saamaynaysa inaga oo dhan ,sidaas darteed waxaa la doonayaa in caalamku meel ka wada is taago arrinka soomaaliya haddii kale dhibaatadu inaga bay nagu soo noqonaysaa.ayuu yiri David Cameron .

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa dhagta u taagaya wax ka soo baxa shirka uu soo qabanqaabiyey David Cameron iyada oo dowladiisa aysan 21 la soo dhaafay aysan wax dan ah ka lahayn dhibaatada Soomaaliya

Halkaan ka Akhri Khudbada Ra.iisul wasaaraha dalka Ingriiska  David Cameron oo af Ingriis ah

 

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online