Madaxweynaha DFKM iyo wafdi la socda oo soo gaaray magaalada Garoowe

February 17, 2012 - Written by

Garoowe:-Wararka  naga soo gaaraya magaalada Garoowe xarunta Puntland ayaa sheegaya in goor dhoweyd uu halkaasi uu soo gaaray wafdi balaaran oo uu horkacayo Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sh.Axmed waxaana garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeeyey madaxda Puntland. Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif ayaa waxaa kale oo soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xassan Sheekh Aadan, Ergeygav gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Augstine Mahiga.

Dhinac kale wafdi ka socda Midowga Afrika ayaa saaka ku soo biiray shirka wadatashiga wajigiisii 2aad ee ka socda magaalada Garoowe waxaan wafdiga maanta soo gaaray Garoowe hogaaminaya Ambassador Abuoubakar Dyara oo ah ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya.  kana soo kicitimay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Wafdiga  uu hogaaminayo Ambassador Abuoubakar Dyara oo ah ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe iyadoo wafdiga loo galbiyey Xarunta jaamacada PSU oo uu ka socdo shirka , ilaa hadda lama yaqaan wax ay isla meel dhigeen ama isla afgarteen wufuud ka qayb galaysa shirka Garoowe .

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online