Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gaaray dalka Jabuuti

February 20, 2012 - Written by

Jabuuti:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti  Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay u sii gudbi doonaa magaalada London halkaas oo 25 bishan uu ka furmi doon shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti madax ka tirsan dalka Jabuuti waxaana uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafdigan uu hogaaminayo Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in uu isla maanta u dhoofo magaalada London ee caasimadda waddanka Britain.

C/casiis Maxamed Cali
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,780 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>