Qarax xooggan oo ka dhacay Xarunta CID ee magaalada Muqdisho

February 17, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay gudaha  Xarunta Hay’adda Dambi Baarista ee CID waxaana ku dhintay sida warar hordhac ah ay sheegayaan laba qof halka laba kale ay ku dhaawacmeen . Gaariga qarxay ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan waxaana wararka qaar ay sheegayaan in gaari walxaha qarxa ah lagu weeraray Xaruunta  CID halka war kale uu sheegayo in gaariga qarxay ay ka soo qabteen ciidanka DFKM Isgoyska KM4 ee Magaaladda Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Milatariga DFKM Aadan Kaalmooy oo la hadlay warbaahinta isaga oo ku sugan xarunta CID ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka DFKM ay saaka soo qabteen gaariga iyo 4 dhalinyaro ah oo wadatay ka dibna gaari ay geeyeen xarunta  CIDa ka dibna ay ka warheleen ayuu yiri Al-Shabaab oo ay tel ku qarxiyeen .

Ururka Al-Shabaab ee dhawaan  ku biiray Al-Qacida ayaan wili wax war ah ka soo saarin qarax ka dhacay xarunta CID ee magaalada Muqdisho waxaana la filayaa in dhawaan uu ka hadlo afhayeenka howlgalada Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online