Qolka Qolka Somali Islamic Altaqwaa Network oo birito nadwo qaban doona.

February 2, 2012 - Written by

Assalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuh  Mahad Idilkeed waxaa iska leh Allaah subxaanahu watacaalaa, nabadgalyo iyo naxariis ha gaadho Rasuulkeenii Muxammed, iyo intii ku raacday ixsaanka iyo wanaaga ilaa laga gaadho maalinta dambe (Aamiin).

Waxaa walaalaha Qolka Somali Islamic Altaqwaa Network idiin soo gudbinayaan Iclaamka Nadwo ka dhici doonta Qolka Maalinta Jimcaha ee bishu tahay taariikhda milaadiga 3 February 2012 oo ku aadan 11 Rabiical Awal 1433 taariikhda hijriga. Saacaddu waa 18:45 pm uk time.

Cinwaanka Nadwaddu waa: Sidee Islaamka loo soo celin  karaa ?

Wajiga 1aad ee Nadwadda.

Mawduuca 1aad

1-Tarbiyadda Caqiidadda Saxiixa Ah iyo kaalinta ay ku leedahay soo noqoshada islaamka.

Sh Maxammed Cabdi Umal – 40 Min

Mawduuca 2aad

2-Fahamka Guusha iyo Hanashadeeda.

Sh Maxammed Idiris Axmed – 40 Min

Su’aalo ay walaaluhu ka soo qortaan 2da Mawduuc ee kore.

Wajiga 2aad ee Nadwadda ( Waxay bilaabanaysaa 20:30 pm uk time )

Mawduuca 3aad:

Qoom Allaah ma badalo ilaa intay iska naftooda ka badalayaan((إن الله لا يغير ما بقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم ))

Sh Al Waalid C/Raxmaan Sh Cumar – 40 Min

Mawduuca 4aad:

إن هذا القرآن يهدي للتي هي أقوم

Sh Cabdiqani Qorane Maxammed –  40 Min

Su’aalo ay soo qortaan walaalaha 2dii Mawduuc ee ugu dambeeyey.

Waxaan Allaah subxaanahu watacaalaa ka baryaynaa inuu culimadda nadwadda ka qayb galaysa ku aadiyo hadalka toosan, anaga dhagaysan doonana insha Allaah naga dhigo kuwa hadalka maqla kiisa toosana ku toosa Aamiin.

Ugu dambayntii waxan ka codsanaynaa walaal walba oo akhrista ogaysiiskan inuu sii gaadhsiiyo walaalkiisa kale – Wa Jazaakumullaahu khayral jazaa.

Wassalaama caleykum wrt wb

Maxammed Ibraahim Cawad ( Abuuhureyra )

Xidhiidhka Culimadda ee Qolka SIAN
( Somali Islamic Altaqwaa Network )

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

233,087 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>