Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo la kulmay R/Wasaaraha Talyaaniga(Warsaxaafadeed)

February 1, 2012 - Written by

Roma:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Rome ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti.

Labada Ra’iisul Wasaare oo labadaba ah Professoro dhanka Dhaqaalaha ah ayaa yeeshay kulan dheer oo ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga, burcad-badeeda, Qaxootiga Soomaalida, Roadmap ka iyo shirka London ee 23ka Febraayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti casuumaada rasmiga ah iyo soo dhoweyntii quruxda badneyd ee wafdigiisa loo sameeyey. Ka dibna waxuu warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya iyo horumarka baaxadda leh ee ay Dowladdu ka sameeysey lixdii bilood ee la soo dhaafay dhanka amniga, xiriirka maamulada, dib u heshiisiinta, maamul wanaaga, dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti ayaa ballanqaaday inuu garab taagan yahay Soomaaliya isla markaana ay Talyaaniga ka caawini doonaan shacabka soomaaliyeed arrimaha soo celinta amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, dib-u-dhiska dalka iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa mashaariic horumarineed.

Ra’iisul Wasaare Monti ayaa sheegay in Shirka London uu Talyaaniga si weyn u taageeri doono qorshaha Soomaalidu ay wadato ka dib markii uu dhageystay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka codsaday in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan Shirka London inuu garab istaago Roadmap ka iyo Garowe Principles oo la doonayo in baarlamaan tiro yar oo tayo leh la soo xulo, isla markaana la dhameystiro dastuurka si looga gudbo marxaladda kala guurka ah.

no images were found

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay in Shirka London laga filan karo inuu dib-u-soo nooleeyo hay’adaha amniga Soomaaliya, iyo in August 2012 ay dhacdo doorashooyin.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa waxey si saraaxad leh uga wada hadleen sidii Soomaaliya loogu heli lahaa xal oo ay isku af-garteen.

Abdirahman Omar Osman
(Eng. Yarisow) Senior Advisor to the
P
rime Minister of Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online