Sh Maxamed Sh Osman,Sh Maxamed Cabdi Umal iyo Sh Shible oo gaaray dalka Masar
February 27, 2012 - Written byQaahira:-Wararka naga soo gaaraya magaaladda Qaahira ee caasimada dalkaa Masar waxay shabakadda Halgan.net u xaqiijiyeen inay Asxaabal-fadiilah: Sh. Maxamed Sh. Cismaan, Sh. Maxamed Abdi Umal iyo Sh. Maxamuud Shible ay safar dacwo ku soo gaadheen dalka Masar. Culimadu waxay muddo qiyaastii labo todobaad ah joogi doonaa Masar.
Culimadu waxay xilligan ku sugan yihiin magaalada Elexkandaria oo ah Caasimada labaad ee dalka Masar. Wadanka Masar waxaa ku nool soomaali tiradeeda lagu qiyaaso ilaa iyo 9000, oo qof Waxayna isugu jiraa. Arday waxka baro wadanka (waxbarashada heerarkeeda kala duwan) Qoysas ka guuray wadamada reer galbeedka iyo qoysas ka soo baro kacay Dagaalada sokeeye ee ka socda dalka Soomaaliya.
Dadkaasi intooda badan waxay ku nool yihiin Qaahira iyo gobalka 6. oktoobar. Culimadu waxay kulamo dacwo la yeelan doonaan insha Allaahu bulshda soomaaliyeed ee ku kala nool labadaas gobal.
Wixii faah-faahin ah oo intaas dheer waxad kala xidhiidhi kartaa madaxa guddiga qaban qaabada kulamadaas: C/llaahi Sh. Xanbali Xaaji C/Suldaan tel: 00201002643594 e-mail: xambali@hotmail.com
Halgan.net

.gif)

