Shiikh Maxamed Idiris oo socdaal dacwadeed ku gaaray dalka Koonfur Afrika

February 27, 2012 - Written by

Waxaa hawl dacwadeed ku yimid dalka Koonfur Afrika Sh. Maxamed Idiris Axmed  , taariikhdu markii ahayd 26/02/ 2012  asagoo sheekhu wacdigiisii ugu horeeyay caawa ka jeediyey Masjidka Imaamu Shaafici, halkaas oo uu kala hadlay dadka inay Ilaaheey isku xidhaan mar walba iyo goob walbaba, rabbina ay u noqdaan maadaama mar walbaba ay haboon tahay in Alle loo noqdo.

Wuxuu sheekhu aad ugu dheeraaday quluubta iyo in qofku ku xidhnaado Alle subxaanuhu watacaallaa, wuxuu  sheekhu aadi doonaa  gobolada dalka sida Cape Town iyo gobollada kale .

Sheekhu wuxuu kale oo dacwo u aadi doonaa Musambiik oo ah markii ugu horeysay ee uu sheekhu tago, wadanka Musambiik waxa uu daris la yahay wadankan Koonfur Afrika kana xigtaa dhinaca Waqooyi Bari, waa wadan aad u ballaaran waxaanan hadda ku nool Soomaali door ah, waxaa ku yaalla Masjid Abuubakar As- Saqdiiq oo ku yaala magaalada Nampula, dhismihiisu hadda socdo oo sadex dabaq ah, Soomaaliduna ay leedahay xoogiisa dhulkana ay ayadu iibisay.

Ugu danbayn, waxaanu Ilaaheey ooga baryaynaa in uu sheekhu miisaankiisa xasanaadka oogu daro, dadaalka dacwo ee uu wado goor walba aamiin.

 Axmed Dheere

Johannesburg

Leave a comment

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online