Shirkii wadatashiga ee ka socday magaalada Garoowe oo hakad uu ku yimid
February 16, 2012 - Written byGaroowe:-Waxaa maanta hakad uu ku yimid wajiga labaad ee shirka wadatshiga ee ka socda magaalada Garoowe, ka dib markii ergada ka qeybgaleysa shirka ay isku afgaran waayeen qodobbada shirka lagaga hadlayey maanta iyo qaabka loo soo xulayo xubnaha golaha baarlamaanka cusub.Maamulka Galmudug ayaa ka biyo diiday laba arimood oo kala ah qaabka loo soo xulayo xubnaha golaha baarlamaanka cusub ee la dhisayo bisha 8aad 2012 iyo qaabka loo hirgelinayo arrinta federaalka isaga oo soo jeediyey in loo soo xulo 4.5 halka ergooyinka kale ay soo jeedsheen in qaab gobaleed loo soo xulo.
Shirka Garoowe 2 oo furmay shalay galab ayaa waxaa la sheegay in ajandaha looga hadli doono uu yahay sameynta dustuur loo dhan yahay iyo qaabka loo hergalinayo federaalka inta aan la gaarin bisha August 2012
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud ka socota dowlada Jabuuti ,QM Midowga Afrika ,IGad Maamulka Galmudg ,Maamulka Puntland iyo Ahlusuna.
M_M Deeq
Halgan.net

.gif)

