Shirkii wadatashiga ee ka socday magaalada Garoowe oo hakad uu ku yimid

February 16, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa maanta hakad uu ku yimid wajiga labaad ee shirka wadatshiga ee ka socda magaalada Garoowe, ka dib markii ergada ka qeybgaleysa shirka ay isku afgaran waayeen qodobbada shirka lagaga hadlayey maanta iyo qaabka loo soo xulayo xubnaha golaha baarlamaanka cusub.Maamulka Galmudug ayaa ka biyo diiday laba arimood oo kala ah qaabka loo soo xulayo xubnaha golaha baarlamaanka cusub ee la dhisayo bisha 8aad 2012 iyo  qaabka loo hirgelinayo arrinta federaalka isaga oo soo jeediyey in loo soo xulo 4.5 halka ergooyinka kale ay soo jeedsheen in qaab gobaleed loo soo xulo.

Shirka Garoowe 2 oo furmay shalay galab ayaa waxaa la sheegay in ajandaha looga hadli doono uu yahay sameynta dustuur loo dhan yahay iyo qaabka loo hergalinayo federaalka  inta aan la gaarin  bisha August 2012

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud ka socota dowlada Jabuuti ,QM Midowga Afrika ,IGad Maamulka Galmudg ,Maamulka Puntland iyo Ahlusuna.

M_M Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. ASCaleykum somalidu waxay ku maahmaahdaa Hal xaaran ah Nirig xalaal ah ma dhasho somaliya halka aay maanta marayso waa wax aan aakhiro iyo aduunba ka socon, siyaasada somaliyana waxaa hor boodaya dad aan kala aqoon xalaasha iyo xaraanta. Tan kale oo layaabka leh waa dastuurka bal fiiriya ilaah baan idinku dhaarshee dastuurka la sheegayo muxuu ku salaysan yahay aaway dastuurkii illaah inoo soodejiyey somaali waxaan kula dardaarmayaa ka fogaada fitnada ka socota somaliya illaahna waxaan ka baryaya inuu faraj khayr qaba inoo furo kuwa somaliya godka kusii ridayana dhiiga ku qalajiyo wadaadaduna waa habaareen somalidana aamiin bay leedahay salama caleykum.

  2. Waa arinyaab leh “dhurwaa latag bartey ka dhigistu waa ku ceeb” ninkii ku qanci waayey wixiisa qofkale xaqii ku qanci maayo, baarlamanka waa in xildhibaan kasta meel laga soo doorto mustaqbalka lagu magacaabo aduunku sidan la iska keen sanayo ma ahaan doono.

Leave a comment

*