Uurdoox Qaybtii 3aad W/Q Sh Cabdiraxmaan Shiikh Cumar

February 3, 2012 - Written by

Mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya Xaaladda Dunida Muslinka Allaa mahad leh, isagaan u cuskaneeynaa umuuraheenna oo dhan,waxaan rabaa qormadan in aan dib idinkugu celiyo todobaatameeyadii, sawir cadna ka siiyo dadkii aan joogin ,intii joog tayna aan xusuusiyo insha allaah.

Waxaa kaaga muuqda qoraaladii hore in muslimiinta soo mareen marxalado hoos u dhac ah sida qabsashadii Andulus, soo qixintii dadkii ku noolaa dhulkaas, rididdii khalaafadii u dambeeysay ee cuthmaaniyiinta, gumaysashadii dunida muslinka oo dhan, shucuubta muslimiinta oo dhinacwalba laga qabsaday, dhinac dhaqaale, siyaasad, tacliin, iyo dhinacyada nolosha oo dhan.

Waxaa soo baxay nimanka loo yaqaan “mustashriqiinta” kuwaas oo loo diray in ay bartaan diinta islaamka, luuqadda carabiga, dhaqanka muslimiinta, si iyaga ay u baraan diinta islaamka dadka kale, kutubaha ay ka qoraan islaamkana u noqdaan kuwa loo cuskado fahamka islaamka.

Waxaa aad u xamaaseeysnaa raga kiristaameeynta dunida muslinka waxaa shir lagu qabtay15/5/1978 magaalada Glenn Ary ee ku taal gobolka Colorado ee Mareeykanka, guddiga waxay qaybiyeen 40 qoraal oo lasoo diyaariyey, waxaana isugu yimid 150 gaaleeye oo khibrad weeyn u leh qaabka gaaleeysiinta muslimiinta, waxaa la isku raacay muslimiinta kiristaamayntooda in aanay sahlaneeyn, loona baahanyahay in machad gaar ah loo sameeyo oo lagu tababaro ducaadda aadeeysa dhulkaas,waxaana loogu magacdaray Samuel Zuwemer.

Wadaad u dhashay dalka oo lagu magacaabo Abuu Rayah una dhashay dalka Masar oo 20 sano jaamacadda Azhar wax ku baranayay ayaa loo diray in uu wax kasoo barto Germany waxaa gacanta ku dhigay mustashriq jamaacadda wax ka dhiga, markii uu soo noqday ayuu muxaadaro qabtay wuxuu muxaadaradii ku sheegay in labaatankii sano ee Azhar wax ku baranayay uusan fahmin diinta islaamka ee uu si dhab ah diinta u fahmay afartii sano ee waxbarashada Germalka uu’u tagay!!! Wuxuu dabadeed qoray buug uu ku caaynayo saxaabigii weeynaa ee Abuu hureyra Alla ka raalli noqdee wuxuu u bixiyey (al-mudayra Abiihureeyra oo uu ku tilmaamayo in uu hunguri badnaa kana cunteeyn jiray guriga mucaawiyah salaaddana la tukan jiray Cali binu abii daalib,in uu yahay nin aan akhlaaq laheeyn,in uu yahay nin aan dagaalka ku fiicneeyn oo fuley ah,dhaar been ah ku dhaarta, iyo Abuu Hureeyra Allaha ka raalli noqdee in uu ahaa beenloow intaan oo xadiis ah see u xifdin karaa. (kitaabka bogga 72).Ninkan wuxuu billaabay in uu wax ka dhigo jaamacadaha islaamka ee Masar si uu u soo saaro Mashaaikh la faham ah.

Mucjisada diinta islaamka waxaa kamid ah islamarkaana tusineeysa xaqnimadeeda sida ay ugu adkeeysato naqdiga iyo la dagaallanka, waxaa lala jaha wareeray ilbaxnimada galbeedka iyo tan bariga oo ka fog xagga diin naceeybka siduu yidhi Marxist odayaashii shuuciyada, oo aaminsanaa, “diinta waa daroogada dadweeynaha”.

Soomaaliya

Masaajidda inta ku hartay waa afartan jir iyo wax kawayn, culimada masaajidda wax ka akhriso waxaa fahmayo oo kali ah xertooda, qofka wuxuu u baahanyahay in uu waqti badan fadhiyo xalqada wadaadka si uu u fahmo lahjadiisa iskaba daa arday iskuul dhigata, dadwaynaha waxa aad u tiro badan inta aan tukanin oo waxaad arkaysaa marka la adamo qof qof ayaa ka kacaayo maqaaxi dhan oo la gabranyahay.

Xijaabka waxaa laga yaqaan shuko carbeedda, dumarka waxay sitaan guntiino iyo garbasaar tii dadaasha, waa caadi in haweeneeyda iyadoo hal guntiino xiran xaafadda iska wareegto ama gurigeeda hortiisa iska fariisato. Waxaad in badan maqasheen dacaayadaha lagu furi jiray wadaadada, sida (wadaadada beerka xeeyrta leh waa cunaane,ilaahay may ka yaabaan oo nasiiyaan,) (Ragga iyo dumarka yaa badan? Dumarkaa badan haddii wadaadada lagu daro).

Waxaa la sheegay niman dhallinyaro ah ayaa damcay in ay reer isaga dhigaan wadaaddo si loogu qalo xoolo , mid kamid ah ayaa yidhi anigaa aqaan sidaan reerka uga qalan laheeyn xoolo ee digri salaanta reeraha lagu galo ii qaada waxaadna ii tidhaahdaan (Allahuma salli calaa khayri khalqi sayidinaa) qasiidadii inteedi kale lama yaqaan: Markaasuu yidhi isagoo wax kasheegaya wadaadada iskana dhigayo in uu qasiidadii qaadayo: Marka wan la qalo wardiyoow marka kale wayso xumoow, Allamusalli calaa kheeyrikhalqi sayidinaa, markii Sac la qalo salaado badnoow marka kale seexad xumoow, Allaahuma salli calaa kheeyri khalqi saayidinaa, markii geel la qalo… iyo erayo badan oo muujinaayo wadaadnimada in ay tahay mid wax uun lagu cuno ama lagu qaraabto.

Sidoo kale waxaa jiray iska warqab la’aan dunida muslimka ama kalaqaybi oo xukun, Boqortooyada Sacuudiga oo isku xukunta shareecada islaamka waqtiga noocaan ah waxaa lagu suntay “wahaabiya” boqolaal war oo aan waxba ka jirin ayaa laga sameeyay, sida nabigeey diidanyihiin, waa gaalo, yahuud ayaa ka dambaysa, neeftooda hadday ku gaarto waa khalaas oo waad raacaysaa.

Nin saaxiibkay ah qaraabanna aan ahayn, xerna isla ahayn ayaan waxaan ku idhi ina keen aan u tagno sh. Cumar faaruuq ,allaha u naxariistee, oo kamid ahaa rag yar oo lagu sheegi jiray wahaabi kutubana ku akhrin jiray masaajidka Marwaas ee magaalada Muqdisho, aan kalasoo doodnee wahaabiyada oo aan ku dhahno kabax waxaan, una soo noqo wadaada ahlsunnaha, saaxiibkay wuxuu iigu jawaabay” a’aah ha inoo gaynin maxaa yeelay wuxuu ku hordhigaa aayad iyo xadiis markaa mana raaci kartid mana diidi kartid aayad iyo xadiis oo waad gaaloobeeysaa ee inaga dhaaf”

Wax allaale wixii kutubo ah oo xaggaa kayimaadda waa la isku maxkamadayn jiray, khuraafada dunida muslimka ka jirta waa xarko gooys. Dadka waxaa aad u dhex galay fikirka qalloocan ee loo yaqaan “irjaaga”oo ah in waxba kaa dhibayn macsiyada mar haddaad ashahaadato, sida aanay kuu anfacayn cibaadada adigoo gaal ah.

Dhaqdhaqaaqii Islaamka ee Ardada Somaaliya

Ardada jaamacadaha dhigta marka aad dhex istaagto waxaad moodaysaa in aad joogto Rooma ama London, iskuulaadka waa sidoo kale, waxaa ku socdo ummadda inteeda loo yaqaan waxgaradka iyo da’da soo kacaysa galbeedeeyn xoog leh, kaddib waxaa dhashay kacaankii 21 Oktoobar 1969 oo ay hogaaminayaan rag saraakiil ah oo ka kala yimid ciidamada qalabka sida qeeybahooda, taasoo ay keentay kadib markii lagu dilay shirqool madaxweeynihii dalka Cabdirashiid cali sharmaarke, waddankana uu galay xaalad adag, saraakiisha waxay kasoo kala baxeen kulliyadaha talyaaniga, Ingriiska iwm.

Duullaanka maskaxeedka ku socdo Muslimiinta waxuu gaaray qaybta ugu culus, maxaa yeelay waa dad loo diyaarinayay in ay noqdaan hoggaankii ummadda mustaqbalka. Dowladdi ka horraysay kacaanka waxay ahayd mid Dimoqoraadi ah ,oo waxaa la ogolaa xisbiyo fara badan laakin waxay noqotay axsaabtii oo dhan kuwo ku dhisan qabyaalad fowdo, dilkii oo batay ilaa madaxweeynihii wadanka la dilay.

Waxaan idaacadaha kala soconnay tartankii madaxweeynanimada ee Aden cabdulle cismaan iyo Cabdirashid cali sharmaarke, guushiina ay ku raacday Cabdirashid iyadoo Aden Caddana uu si qurux badan uga degay madaxtinnimada. Annagoo iskuullada u kallahnay ayaan waxaan ku waabariisannay ciidamo meelkasta qori kalasoo jeeda, xataa iskuulkeenna korkiisa, waxaa naloo sheegay in aan ku noqonno guryaha isbedelka waddankana raadiyaha kala soconno.

Afgambiyo noocaan ah ayaa ka dhacay dunida Muslimka sida Sudan oo uu qabsaday Jacfar Numeeri, Liibiya oo uu qabsaday Qadaafi, Masar oo uu qabsaday Jamaal Cabdinaasir. Waxay dunida u kala qaybsantahay labada dhinac ee bari oo uu hogaaminayo Soviet Union iyo galbeedka oo uu hogaaminayo Mareeykanka.

Shuuciyadda waa wiil xalaal ah oo uu dhalay hantigoosadka, kaddib markii ay u adkaysan waayeen dhiigmiiradkoodii, xagga diin la’aanta waa kasii fogyihiin reer galbeedka oo iyagu waxay leeyihiin Ilaah wax la yidhaahdo maba jiro, noloshuna waa maaddada.

Waxaan diiradda saaraynaa xarriiqa dhaqdhaqaaqa Islaamka ee Soomaaliya, waxaan soo sheegay In laba Sheikh Cabdulqaadir Allaha ka abaalmariyee ay billaabeen dhaqdhaqaaqyo la magac baxay, AL-WAXDA iyo AL-AHAL, labada dhaqdhaqaaq inkastoo ay curdan yihiin haddana waa layaab waqtiga ay billaabmeen, dhiirranaanta, iyo kal adaygga, waxay dadka ugu yeerayaan in Islaamka uu yahay Manhaj nololeed, si kasta haddaan is idhaa u cabir ma cabiri karo, waxaana la yidhaahdaa kariwaaga cabbirka waa cabbir. Sidaan idiin soo sheegay waxaan ahaa waqtigaa xer-masjid iyo xer-iskool.

Waxaa aad iigu dhacayay culayska haysashada diinta islaamka ,magceeyga waxaa ka xoog badnaa magaca wadaad oo la doonayo in aad soo raacdo ilbaxnimada masallahana wabiga ku riddo, Allaahu Akbar.

Waxay gabar ii sheegtay  ku noolayd magaalada Burco, in dhallinyarada waxdada magaalada Burco la dhagaxyeeyn jiray marka la arko.

Waxaan xusuustaa macallinka in uu nagu khasbi jiray in aan qaadno heesaha, oo raadiye maba qabnee, fadhiisinta ardada fasalka dhexdiisa, gabadha waxaa la dhexfadhiisiyaa laba wiil , wiilkana laba gabadh. dhammaan waxaa la qabaa surwaal iyo shaati, gabdhaha madaxa masoo dadan karaan waa khasab haddayrabto gabadha in ay soo qaadato gambo, waa in ay soo qaadataa nooca loo yaqaan ilyarta madoow ee timaha muuqdaan.

Waxaa loo baahanyahay ardada haddii diinta loogu yeero oo Masjidka la keeno, wadaad kee loo gayn karaa oo habeen ka u horreeya soo jiidan kara, haddii kale hadduu fahmi waayo waxa la sheegaya waa kaa fakanaa,waxaa ilaahay fadligii la helay Sh. Maxamad Macallin oo kasoo baxay Azhar waxna kalasocda dhaqdhqaaqyada Islaamka ee caalamka, wuxuu wax ka billaabay Masjidka loo yiqiin maqaamka Sh. Cabdulqaadir, wuxuu noqday wadaadka ardada lagu soo uruurin karo waxna fahamsiinkara, maqribka markuu soo dhowyahay waxaa kayimaada xamar jihooyinkiisa kala duwan wixii arday ah ee casharka ku taxan.

Magaalada Beledwayn waa magaalo taariikh ku leh Somaaliya, dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka (SYL) waxay ka mid ahayd meelihii xooga ay ku lahaayeen. Waxaa deggan dad kala duwan oo halqabiil aan ahayn, waxaa wax ka akhriya culimo kala geddisan oo aan ka xusuusto Sh. Jaamac Xirsi Allaha u naxariistee, Aabahay sheikh Cumar Sh. Axmediinle, Sh.Axmed saddiique, Sh. Muxumad yarrow, Sh. Maxamad Ture Sh.Cali Bood Allaha u wada naxariistee iyo culimo kale.

Waxaa masjidka aan ku kulannay nin caafimaadka shaqaale ka ahaa kana soo baxay machadkii sare ee caafimaadka ee Digfeer, loona soo bedelay Isbitaalka wayn ee magaalada Beledwayne, waxaa layaab ahayd in qof da’yar oo shaqaale u ah dowladda uu masjidka yimaado, laakin nin kaan waa raggii xamar lagu soo xiray masjidka maqaamka, wuxuu ogaaday in aan ahay arday iskoolka dhigto,waa is barannay wuxuu I weeydiiyay ardada iskuulka dhigata, waxaan baray inta masjidka timaadda wuxuu noo sameeyay casho, wuxuuna billaabay in dhaqdhaqaaqa noo sharxo in loo baahanyahay in muslimiinta loo celiyo islaamkooda iyo shareecada islaamka in la isku xukumo, loona baahanyahay in ardada diinta loogu yeero, magaciisu waa Aden Xaji Xuseen.

Wuxuu noo keenay kutubo ay qoreen ragga raca hore ee ku jira dagaalka sida rug caddaaga wayn ee Maxamad Qudub alla ha xifdiyee, Abuul Aclaa Al-moowduudi, Sh.Hassan Nadawi kutubtaa waa kutub xusuus gaar ah noo leh sababtoo ah annagoo duullaankii reer galbeedka na rajo tiray ayay naga dhiciyeen.

Ardadii xilligaa ayaa garanayo oo dareemaya dareenkayga, tusaale ahaan; Maxamad Qudub wuxuu qoray kitaabka uu u bixiyay Jaahilayada Qarniga labaatanaad, ararta kitaabka haddaad maanta akhriso waqtigaasna aad joogtay yaabkaa kaa dhamaanayo, kitaabka magaciisa oo yaab leh marka uu ka sheekeeyo jaahilayadii islaamka ka horreeysay iyo astaamaheedii , wuxuu leeyahay:

“jaahiliyada casrigaan arrinteeda waa kasii qallafsantahay tii hore, waana ka xuntahay waana ka xoogbadantahay, waa jaahiliyada “cilmiyeeysan” jaahiliyada baaritaanka, iyo daraasaynta falsafooyinka”

“Jaahilayada nidaamyada xoogga badan ee xididaystay, jaahilayada horumarka ee ku fitnaysan waxay gaareen, jaahilayada shirqoollada iyo burburinta aadanaha, jaahiliyo aan taariikhda horay loo arag. Kitaabkan wuxuu daraaseeynaa muuqaalkan qarniga labaatanaad muuqaalkan jaahilnimo iyo sida ay u saamaysay aragtida aadanaha iyo dhaqankooda. Waxaa markhaati u soo qaadanaa in ay jaahiliyo tahay waxaan idinka tusi doonaa waaqica ka jira bari iyo galbeed, ujeedada aan ka leenahay daraasadan waa in aan marada ka faydno kuna saxno aragtiyada qalloocday iyo dhaqanka qalloocday kuna fitnaynaysan magaca horumar iyo ilbaxnimo, si aan ugu caddayno qarka ay kasii dhacayaan iyagoo isu maleeynayo in ay qumanyihiin. waxaa kaloo hadafkeennu yahay in ku bishaarayno mustaqbalka aadanaha, mustaqbalka aan rumaysannahay dadka marka ay ka baxaan mugdiyada gaalnimada una baxaan iftiinka islaamka, waxaan ogahay in arrinkan uusan ku filnayn hal kitaab ama kun kitaab, laakin halkan waxaan rabaa in aan diiwaan galiyo labo arrin:

1- Waxaan aaminsanahay in kalimadda aysan lumayn mudaba ha la iska dhagatiro haddii la rabee. 2- Isbadalkan dhab ahaan wuxuu ka iftiimay gudcur aad u madoow, iftiinkaa yar ayaan wax ku qorayaa.”

Kitaabkan markaan akhrinno run ahaantii waa ku diirsan jirnay wuxuu noo ahaa xoog aan isaga celino ardada iyo xoogagga calmaaniyada, oo markaa lahaa ha isku dayin in aad horistaagto ilbaxnimada haddii kale waxaa ku jiirayo cajaladda harumarka, waa in aad qaadataa xadaarada qarbiga dacdeeda iyo dooggeedaba. Suugaanta waxay ku socotaa khadkaas oo wuxuu nin gabay ku tiriyay:

“Bari hore waxaa jiray inan (gabadh) aan bil iyo labo hadal kaaga bixinoo bari arag ku weeydaa, wax badalay kuwii hore balo geeso dheero buul madaxa saartoo suuqa baratamaayee” Gabadh ayaa u jawaabtoo tiri. “Badayahoow dib ha u celin dadka soo baraarugay”

Sh. Maxamad Qudubi waxaa ka muuqda culayska ay leedahay xadaarada qarbiga waqtigaa, “dadkeennii waa lala tagay waa in aan galnaa dagaal maskaxeed oo lasoo dhiciyaa ummaddii islaamka wax garadkii ,haweenkii gabdhihii iyo siyaasiyiintii” Allah waxaan ka baryayaa Sh. Maxamed Qutub kitaabkaa in uu jannadiisa ku geeyo”

1973 Sh. Cabdulqaadir sh. Maxamuud waxaa marti galiyay Sh.Aden Xaji Xusseen ,wuxuu nagu soo booqday Beledwayne, wuxuu iisoo bandhigay in aan kamidnoqdo dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Ahalka, waxaan idhi tiro inteed dhantihiin wuxuu iyidhi ninkii soddon iyo afraad ayaad noqoneeysaa, wuxuu yidhi hadal yaab leh oo kasoo min guuriyey Cumar Binu khadaab mar uu weeydiiyey saxaabada nabiga scw oo uu ku yidhi: Maxaad jeclaan laheeyd qof walboow in gurigaan lagaaga buuxiyo? Raggii qaar waxay yidhaahdeen waxaan jeclaan lahaa Isago dahab ah si aan ugu bixiyo jidka Allah, ninba meel ayuu ku dhuftay, Cumar wuxuu yidhi anigu waxaan jeclaan lahaa gurigaan oo buuxa oo Abuu Cubayda Caamir ibnu Jarraax ah, waxaan u baahannahay rag waadna u jeeddaan dadkii Muslimiinta waa lala tagay waxaan kala galnay ballan in aan u shaqeeyno diinta islaamka, Allah dartiisna u walaaloowno.

 

Maxaa ka dambeeyay? Waa inoo qormada soo socota hadduu Alle Idmo.

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar

1 Comment so far

Leave a comment

  1. allahu akbar waa akhbaar wanaagsan iyo taariikh cad oo muuqata oo aanan boor ku jirin. umadaan meesha laga keenay meel dhow maahan? khayr allaha idinka siiyo .

Leave a comment

*