Waa maxay Ujeedadda rasmiga ah ee ka danbaysa in lagu been abuurto culimada Qeybtii koowaad.(warbixin cod)

February 21, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maalmihii la soo dhaafay ilaa iyo intii dilka foosha xumaa loogu geystay magaalada Boosaaso  Allaha u naxariistee Sh.Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa culimada ku nool mandiqadaas ay qabteen kulamo gooni gooni ah iyo kuwa kale oo ay muxaadaraad iyo nadwooyin ku qabteen magaalada Boosaaso iyagoo si toos ah uga hadlay ururka Al-shabaab gaar ahaan kooxdiisa amniyaadka.

Haddaba Maxaa sababay in culimada ku nool degaanada Puntlland si gaar ah loo weeraro ama ay taargad uga dhigtaan ururka Al-shabaab  iyagoo hanjabaadyo kale duwan la soo gaarsiiyey culimada ku nool Puntland ,ururka Al shabaab ayaa sheegay in uu dagaal kula jiro ciidamo gaalo ah oo dalka ku soo duulay weeraro qorshaysana uu ku socdo dalka oo ay ciidamo ajnabi ah ay ku soo qulqulayaan, haddii arrinku sidaas u culus tahay maxaa sababay in masaafo intaas la,eg in qarasha iyo lacag iyo rag loo tababaro in ay culimada iyo waxgaradka ku laayaan magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo iyo Laascaanood.

Dilkii ugu danbeeyey ee ka dhaca deegaanada Puntland ayaa waxaa uu ahaa dilkii Sheekh Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan dilkaas oo ay culumada mandhiqada iyo beesha uu ka dhashay Dr Ahmed ay ku eedeeyeen Ururka Al-shabaab gaar ahaan kooxdiisa amniyaadka ee ka amar qaata Ahmed Cabdi Godane .

Culimo,udiinka ku nool Puntlland ayaa ahaa culimadii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey oo iyagu si toos ah u sheegay in uu jiro khaladaad fara badan oo ku jira ururkii Maxkamadaha Islaamiga fahmayna in ay ku dhex jiraan Maxkamadaha koox doonaysa in ay dagaal ku iclaamiyaan bulshada Soomaaliyeed ee muslinka dagaalkoodana ay u bixiyaan magac Jihaad.

Culimada Soomaaliyeed qaar fara badan ayaa  arkayey oo xitaa Maxkamada ku jira waagaas iyo kuwa kale oo ku sugnaa Gobollada kale in wax badan ay khaldan yihiin loona baahan yahay in wax la saxo balse aan ku dhiiran walow mar danbe ay ka hadleen.

Culimada Soomaaliyeed ayaa u qalab qaadatay safaro dhowr ah oo ay ku tageen magaalada Muqdisho waxaan ay kormeer ku tageen qaar kood goobihii dhalinyarada lagu tababarayey waxaan ay arkeen xaal meel uu marayo in afkaar dibada laga soo maaguuriyey dhalinyarada loo akhrinayo, culimada ayaa la hadlay madaxdii Maxkamada Islaamiga waxaan ay siiyeen talooyin fara badan oo dhinac walba leh.

Talooyinka ay bixiyeen culimada waxaa ugu muhiimsanaa in bulshada Soomaaliyeed ee muslinka ah aan dhiigooda la banaysan aan lagu iclaamin dagaal loogu magacdaro Jihaad taas oo xaaraan ah iyo in awood ciidanka Maxkamadaha Islaamiga aan la balaarin oo aysan baahin si cadowgu uga faa.iidaysan iyo in laga dheeraado wax kasta oo sababi kara in dalka Soomaaliya ay soo galaan ciidamo shisheeye dhamaan talooyinkii loo jeediyey hogaanka Maxkamadaha Islaamiga waxaa ay noqdeen mid ay diidaan  taas oo ay ugu wacnay iyagoo ka kooban kooxo kala socda, Waxaa kale oo xusid mudan in Maxkamadaha Islaamiga ka dib markii ay ciidanka Itoobiya dalka ka baxeen ay culimada mar kale talooyin u jeediyeen ururkii Xisbul islaam  iyo Al-shabaab balse iyagana maysan qaadan.

Intaas ka dib culimada ku nool degaanada Puntlland waxaa ay go,aansadeen in wixii ay u arkaan xaq ay cadeeyaan oo dadwey naha u sheegaan wixii ay u arkayeen diin oo ay ugu horaysay dagaaladii ka socday dalka oo wajiyo badan yeeshay ayna soo baxday in magaalooyin ku yaal Soomaaliya la go.aamiyey in si deg deg ah loo weeraro iyadoo dhalinyarad loo sheegayo in ay tahay Jihaad, culimada ayaa qabtay nadwooyiin fara badan oo ay kaga hadleen mowduucyo kale duwan oo ay is lahaayeen bal wax aad ku saxdaan sida ay iyagu markaas Ijtihaadkooda diineed ay u arkayeen.

Nadwooyinkaas oo bilowday 2007 ayaa waxaa bilowday in culimada waaweyn laga faafiyo been abuur badan oo ay ka mid tahay in culimadu ay la jiraan Itoobiya , Dowlladii Cabullahi Yuusuf , kana soo horjeedaan jihaadka sidda maantaba aan maqlayno in la leeyahay Sh Shariif bay la jiraan iyo dowlladiisa iyo Mahiga iyo beesha caalamka ayey u mahadceliyeen.

Qoraalkeygu u jeedadiisu ma ah in aan ka jawaabno qolyaha baraha internetka been abuurka ku qora oo iyagu u shaqeeya kooxaha ay gaaladu u samaysteen  in ay umada Islaamka culimadeedii ay caayaan ama ku been abuurtaan,qolyaha been faafiyey ayaa waxaa ku adkaaday in been abuurkii ay ka fidiyeey Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax allaha dhowree ay xujo u keenaa taas oo aduunka alle ku ceebeeyey tii aakhirana ay u dhiman tahay insha Allaahu.

Culimada ayaa markii ay ciidanka Itoobiya dalka soo galeen iyagoo talooyinkoodii la diiday waxaa ay si cad uga soo horjeesteen soo geli taankii ciidanka Itoobiya iyagoo isla markaasna talooyin fara badan ka soo jeediyey in dalka Soomaaliya laga badbaadiyo in uu noqdo Baylaha , balse dadka da’yarta ayaa loo sheegay in culimadaas aysan ka hadal duulaankii ciidanka Itoobiya ayna yihiin culimo ku hoos nool maamulo loo bixiyey riddo iyadoo arrinkaas lagu beerlaxawsanayey dadka aan in badan ku soo dhexjirin dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ee ka jiray dalka Soomaaliya.

Culimada kala ah Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaha u naxariistee ,Sh Cabdinaasir Xaaji , Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax Sh Daahir Aw-cabdi ,Sh Fu.aad Xaaji Nuur , Sh Axmed Daahir ,Sh Maxamed Macalin ,Sh Axmed Cabdisamad iyo culimo kale ayaa dhamaan muxaadaraadkii ay qabteen iyo nadwooyinkoodii si cad u sheegay in aysan raali ka ahayn in dalka ciidan Itoobiyaan ah qabsado iyagoo sidoo kale nasaa’ix iyo talooyin u jeediyey kooxihii hubeysnaa ugana digay in umada Soomaaliyeed ay ku iclaami yaan dagaal ay dhiigooda ku banaystaan bal aan wax yar idinka maqashiino codad ka mid ah hadaladii culimada qaarkood inagoo ugu soo hormarinaynaa maanta Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan allaha u naxariistee iyo Sh Cabdinaasir Xaaji Aadan sida ay bal u arkeen soo gelitaankii ciidanka Itoobiya iyo talooyinkii iyo naseexaadkii ay u soo jeediyeen ururo diimeeyeedyadii hubaysnaa sida Xisbul Islaam iyo ururka Al-shabaab sanadkii 2007-da.

Arrimaha ugu muhiimsanaa ee Sh Dr. axmed Xaaji uu soo jeediyey qaarkood walow aan ay badnaayeen oo aad dhagaysan doontid.

1- In umada Soomaaliyeed la isla raadiyo si cadawga looga hortago iyadoo la midaysan yahay.

2-In xalka Soomaaliya laga raadiyo dhinacyo badan,sidda umada oo la isla raadsho, awoodooda oo la mideeyo,in  umada la hishiisiiyo iyo in Dacwada  la fidiyo.

3-In wixii khalad ee jira la saxo gaar ahaan dadka saxwada kuwa hubaysan iyo kuwa kaleba waan arrin la is amray oo diini ah iyo arrimo kale oo uu Shiikhu tilmaamay Allaha u naxariistee.

4- Culimadu masuuliyo baa ka saaran wixii khaldan in ay saxaan haddii ay tahay maamulka Puntlland iyo bulshada oo dhan  waan arrin waajib ah oo culimadu saaran.

Waxaaa xusid mudan allaha u naxariistee in naseexooyinkii iyo talooyinkii diinta waafaqsanaa oo ay jeediyeen culimadaan uu darteed u dhintay oo kooxda amniyaadka ee Al.shabaab ay ku dileen Sh Dr axmed Xaaji allaha u naxariistee  sida ay sheegeen culimada ku nool Boosaaso halka kuwa kalena loogu hanjabay dil iyagoo dhalinyarada loo sheegay wax been ah oo ah in culimadaan ay la jiraan Itoobiya , Dowlladii Cabdullaahi Yuusuf , AMISOM  waan tan keentay in maalmo ka hor Shiikh Xassan Daahir uu ka jawaabo in culimada Soomaaliyeed aan lagu sheegi karin culimaa,suu loona baahanyaha in culimada aan lagu xadgudbin lana ilaashado,ka dib waraysi uu bixiyey hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo ku celceliyey culimaa’usuu

Afeef :-Waxaa xusid mudan cajalka oo ah mid dheer ayaa waxaa ku jira in Shiikhu Dr. Axmed Xaaji Allaha u naxariistee iyo ragga kale oo culimada ah ay rag ku qanacsan fikriga ururka Al-shabaab ay ka dalbadeen Munaadaro ama dood walow ay arrinkaas ka baaqsadeen iyagoo markii hore lahaa dalabka.

Hoos ka Dhagayso naseexooyinkii diiniga ahaa uu Sh Dr Axmed allaha u naxariistee jeediyey markii ay ciidanka Itoobiya dalka soo galeen.

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/nasiixo1.mp3]

Akhristow waad aragtaa ama waad dhagaystay codkii Shiikhii  Dr Axmed Xaaji oo lagu eedeeyey in ay dileen kooxda  amniyaadka ee Ururka Al-shabaab  haddaba kooxda dishay Dr Axmed Xaaji ma kula tahay in ay diin u adeegayaan mise waa koox la doonayo in lagu dumiyo diinta dalkana lagu qabsado, waxaa hubaal ah in ay jiraan dhalinyaro iyo ducaad ka tirsan ururka Al-shabaab ama taageersan aan ka raali ka ahayn dilka culimada Soomaaliyeed laakiin waxaa waajib ku ah in ay gacmaha qabtaan kuwa doonaya in diinta dumiyaa kuna dumiyaan magacooda kana bari noqdaan ficilkaas foosha xun.

Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan allaha u naxariistee ayaa waxaa laga faafiyey been abuur waxaana beentaas ka mid ahaa in Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu u soo guro lacag zako ah si Islaamka loola dagaalamo.

Waxaa sidoo kale wax idinka maqashiinaynaa  naseexooyinkii iyo towjiihii Sh Cabdinaasir Xaaji Allaha xifdiyee oo ka mid ahaa culimadii  u duubtay in ay saxaan wax khaldan si umadda loo badbaadiyo

Arrimaha ugu muhiimsanaa ee Sh C/naasir Xaaji Axmed uu soo jeediyey qaarkood walow aan ay badnaayeen oo aad dhagaysan doontid.

1- In umada Soomaaliyeed la isla raadiyo si cadawga looga hortago iyadoo la midaysan yahay.

2-In xalka Soomaaliya uu ku jiro bal marka hore in umaddaan is wada khilaafsan oo is laysay la hishiisiiyo

3-In arrimaha waa weyn ee umadda sida Jihaadka laga wada tashto umadan oo dhan laga tala geliyo si cadawga ka hortagiisu uu u sahlanaado

Hoos ka Dhagayso naseexooyinkii diiniga ahaa uu Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed ka jeeediyey markii ay ciidanka Itoobiya dalka soo galeen

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/naseexo2.mp3]


Akhristow ma mudan yihiin in culimadaas aad dhagaystay lagu been abuurto oo si loo xalaashado dhiigooda lagu dhajiyo in ay la shaqeeyaan cadow sidda Itoobiyaan , AMISOM iyo in ay yihiin kuwa khiyaanay amaanadoodii cilmiga arrimaha noocaas ah dadka fidinaya ayaa waxaa ay yihiin kuwa u adeega cadawga Islaamka si umadda iyo culimadeeda la iskaga horkeeno haddii ay taas suuroobiweydana culimada si sahlan loo laayo

la soco qaybta labaad  oo aan ku qaadaa dhigi doono been abuurka culimada iyo u jeedada gurac ee laga leeyahay .

M_M_Deeq
Halgan.net

8 Comments so far

Leave a comment

  1. Alle ha xafido culimada intii nool kuwiidhintayna alle ha unaxariisto
    waxaan kutalinlahaa inay culimada labada dhinac kalajoogaa ay wada xidhiidhaan waxna meel isladhigaan oo lasaxoqaladaadka intay goorigoortahay hadiikale hogbaykasiilaalaadaa,horor oodhamina wuxuu usoodhareerinayaa raqdaas meeshataala(Somalia)ee haaddu ku gaylaamayso.
    Waar halays dabaqatoooooooy.
    Ilaahaw quluubta muslimiinta midee.

  2. a/s/c qofki qof muslim ah kas udilaa waa hubaal in hoog iyo balaayo wayn ku dhacay waxaana sugaye xisaab adag waana looyaabaa xaalkisa mid kale culumadu waxay ku jirtaa dadka looyaqaan bir ma goydo waana arin lala yaabo in ay maanta ayaga la ugaarsado waa cajiib ama waa arin baciid ah
    culamadu waa indha umada somalida ninki aan xurmo uhayn ha iska jiro naftooda iyo maal kooda hadii kale jawaab buu ka helayaa allah maalin usan waxba awoodin aduunka ama aakhiro in sha allah wabilaahi towfiiq

  3. Addoon Ilaaheey qalbi saliima ayaan ahay jecel diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa, ee waan Alla baryiye aamiin ii dhahaya. Intii dhimatay ee Muslin ah Allaha jannadii Fardoowsa ka waraabiyo. Inta noolna waxan Ilaaheey u weeydiinayaa in uu uurkooda isku soo dumo. Inta laqdabo iyo lugooyo la daba joogta ummaddaa Soomaaliyeeda iska duleeysan ayaan iyana Ilaaheey waxan ugu baryayaa inuu dhaqso hanuun ula doonto hadaaneey hanuun wax ku laheyna Ilaaheey inuu ka qabto ummadda. Aamiin!

    Wa Billahi Towfiiq

  4. Tix webka tiris ah Drkii bay dileen Dr Axmed bat dileen Darajo dheeray dileen Duuflaalka hagay dileen Daliilka oo doonay dileen Daaci hal dooray dileen Daliil qeexay dileen Drkii-rahimahu allah-miyaanan tabin????????? Al shabab ilahayha idn hanuuniyo.

  5. Asc, halgan.net ,tarikhdu way xusi doontaa insha allah halganka ay ugu jiraan diinta islamka si ay u koryeelaan,marka aan dhoho. “lahum min ismihim nasiiiiiiiiib.

  6. ACWRWB,

    Allaha idin liibaano mas’uuliyiinta Halgan.net. Waa mahadsanyahay walaalka war bixintaan soo qoray.

    Runtii ma garankaro kalmado aan ku cabbiro dareenkayga ku aadan hadalka ah “Culimada hala laayo”. Markii dagaal oogayaashii kuwa ka mid ahi sheegeen inay qandaraas ku soo qaateen inay Culimada Maraykanka u soo qabqabtaan soo shacabka maahayn kuwii gadooday oo dagaal oogayaashii ka saaray Xamar iyagoo u hiilinaya Culimadooda? Halkaasna ay ka dhasheen MM mise qalad baan fahmay?

    Hadday jawaabtu haah noqoto, maxaa u dhexeeya Shacabkii Culimada uga hiiliyay qabqablayaashii dagaalka iyo kuwan hadda la laynayo Culimada?

    Waxaan u arkaa culimada laynteeda (UMMADDA INDHAHA HA LAGARIDO) haddee qof indha li’i waxba ma qabsankaro. Waxaan jeclaanlahaa in si degan loo waydiiyo qorshaha la doonayo in la fuliyo markii ummadda indhaha laga rido ka dib!!

    Xaqqa Allaha ina waafajiyo

  7. Salaamu Calaykum

    Waxaan aad ugu riyaaqay warbixinta wariyah Halgan.net ee Boosaaso uu soo qoray waana ku mahadsan yahay laakiin su,aasho waxay tahay raga aad ka hadleyso ma aha niman diin iyo gar midna qaadanaya waan ognahay culumadeena iyo wax ay yihiin cidna noo sheegi meyso mase xuma in dadka wax magaradka ah farwaaweyn wax loogu qoro.
    Aad baad u mahadsan tihiin Maamulka Halgan.net oo runtii mar walba noo soo gudbiya nadwooyinka culumadeena meelkasta oo ay joogaan kuwaas oo ay u danbeysay Nadwooyinkii Boosaaso iyo S.afrika khazakumulaah khayran
    wasalaamu calaykum.

Leave a comment

*