Warsaxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada ee DFKM oo kulan ku qaatay Muqdisho

February 9, 2012 - Written by

Muqdisho:-Shirkii caadiga ahee ee golaha wasiirrada DKMG ah oo maanta uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arimaha amniga, laguna dhageystay warbixin ku saabsan safarkii ra’iisul wasaaraha, qaraxii shalay Muqdisho ka dhacay iyo weliba barnaamijka ka guurista guryaha dowladda. Ugu horreyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyey safar uu ku tegey Talyaaniga, Kenya iyo Jabuuti oo uu sheegay in Talyaaniga si qurux badan u soo dhaweeyeen wafdigii uu hoggaami nayay safarkiina uu ku soo dhammaaday guul, kulamana la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti, Wasiirka Arrimaha Dibedda Giulio Terzi, Wasiirka Difaaca Gianpaolo Di Paola, Wasiirka Arrimaha Gudaha Annamaria Cancellieri, iyo Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibedda Staffan De Mistura. Labada dowladood waxey isku raaceen:

  1. In si deg-deg ah loo dhaqangeliyo mashaariicdii horey Talyaanigu u ballan-qaaday ee loo qoondeeyay lacag gaareysa 15 million Euros.
  2. In 200 Ciidanka booliska Soomaaliyeed tababar gaar ah oo 12 usbuuc soconaya la siin doono.
  3. In deeq waxbarasho loo fidiyo oo lagu soo baranayo waxbarasho militariga ah iyo booliska.
  4. In Dowladda Talyaaniga ay kordhin doonaan gar-gaarka bani’aadanimo.
  5. In Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ay guddi wadajir ah sameysan doonaan si wasaaradaha dowladda Soomaaliya looga saacido habsami u socodka howlaha dowliga ah.

Golahu waxay warbixin ka dhageysteen guddigii loo xilsaaray ka guurista goobaha dowlada oo ay sheegeen inay si wanaagsan ku bilowdeen oo goobo muhiim ah laga saaray dadkii degenaa oo ay ka mid yihiin gurigii hooyooyinka, madxafka qaranka, Jaamicadii Shabelle, Xaruntii Dowladda Hoose ee Secondo Lido (teeserayaasha), Bacadlaha, iyo Jaamicaddii Boolitikniko, lana filayo in goobaha dhiman si dhaqso leh looga guuro.

Ugu dambeyn, golaha wasiirradu waxay ku ammaaneen shacabka Soomaaliyeed iyo dadkii degenaa goobaha dowladda sida quruxda badan ee ay ku fuliyeen awaamiirtii dowladda, kana codsadeen inay la sii shaqeeyaan si dhammaan goobaha dowlada looga baxo oo shacabka Soomaaliyeed loogu fuliyo adeegyadii bulshada ee muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed.

 Dhamaad
Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online