Xaaladii Ugu danbaysay ee Xariga Shiikh Ciise Dhoore iyo Shiikh Maxamed Khadar

February 12, 2012 - Written by

Sidii aad la wada socoteen walaalayaal,waxaa in mudo ah ku xirnaa wadankan Maraykanka Imaamkii Masjidka Sandiego iyo walaalo kale oo ay kamid yihiin,Shiikh Ciise,walal basal iyo kuwo kale oo kamid ahaa dhamaantood jaaliyada somaaliyeed ee dagan  magaaladaas Sandiego. Illaahay fadligii waxaa ii suura gashay inaan indha hayga ku soo arko Shiikh Ciise Dhoore  lana sheekaysto qadar (25 daqiiqo ah),waxay ii hayd farxad wayn inaan lakulmo walaal aan isku baranay dacwada iyo illaahay dartii manta isagoo xiran,anoo jalsaad badan iyo dacwaba ku kulanay  marar badan isagoo xor ah.Sheekh ciise ilaahay ayaa ku manaystay sabir iyo sugnaansho,caafimaadkiisu aad ayuu u fiicnaa,mural kiisuna aad ayuu u sareeyay,wuxuu aad iiga waraystay,masaajidii iyo dacwadii ka socotay,wuxuuna dar daarmay in dacwada aan laga seexan illaahayna manhajkiisa arlada lagu faafiyo.wuuna soo salaamayay dhaamn ducaadii ay isyaqaaneen iyo dhamaan jaaliyada,wuxuuna uga mahad cilinayay dadaalkii aan kala harka lahayn ee ay jaaliyadu ka muujisay difaacooda iyo garab istaagooda.

Sh maxamed Qadar isagu qaybta uu ku xiran yahay,looma ogola buuqashada,marka laga reebo xaaskiisa iyo caruurtiisa.laakiin waxaan ku wada hadalnay telefon,Muraalkiisa iyo Caafimaad kiisaba aad ayay u wanaagsanaayeen,Wuxuu ii sheegay inuu waqti badan u helay aqrinta qur’aanka,dacwadii uu banaanka ka wadayna uu ka wado xabsiga,ilaahay fadligiina in dad dhowr ah ay ku soo islaameen gacantiisa xabsiga dhaxdiis.Waa nimco wayn.wuxuu sheekha isna salaam iyo mahad naq u soo diray dhamaan jaaliyada gaar ahaan asxaabtiisii.

MAXKAMADII  XAALKEEDA

Walaalaha marar badan ayaa la keenay maxkamad,laakiin nasiib wanaag mar walbaa dib ayaa loo dhigayay,qolyihii soo dacweeyay ayaana mar walbaa codsanayay in dib loogu dhigo

Si kastabo ha ahaatee waxay u muuqdeen inaysan xujo badan aynan hayn,sidaa awgeed mar walbaa ay codsanayeen in waqti dheeraad ah la siiyo.Balantii ugu danbaysay oo laqabtay ayaa waxay ahayd Bishan February 9keeda oo ahayd Khamiistii,waxay bilaabatay maxkamda Saacatu markay ku taagneed (9:00am)Waqtiga Calafornia,Dhamaan Qareenadii iyo qolyihii dacwada oo gayay iyo wadaadadiiba way soo xadireen,dad badan oo jaaliyada ahna way ka sooqayb galeen,waxaa bilowday su’aalo iswadiin iyo jawaab celin.Qareenada wadaadada waxaa ay ku doodayeen in waxaan lagu soo ee deeyay walaalaha aysan ahayn wax maxkamad la horgeeyo ee waa In la iska sii daayaa xoriyadoodana la siiyaa.Qolyahan kalana waxay leeyihiin maya kama harayno arinkaana waa in maxkamad lageeyaa. Dood dheer kadib waxaa la isku raacay in arinkaan dib loo dhigo maxkamadna la isugu yimaado,qolo walbana ay keensato wixii ay haystaan,Nasiib wanaag waxaa la qabtay waqti xoogaa u muuqday inuu yaro fogyahay laakiin waxaa laga yaabaa inuu qayr yahay.

Waxaana la qabtay bisha  October 15 keeda ee sanadkan aan ku jiro,Lacala qayr,Waxaase kale oo latilmaamayaa inaysan meesha ka marnayn in wax la isku afgarto waqtigaa ka hor. Si kastabo ha ahaatee waxaa muuqato in rajada wadaadado ay aad u fiicantahay,lana filaayo inay hawsho iska soo afjaranto.

GABA GABADII:-Dhamaan Jaaliyada soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa inay sii wadaan taageeradii isugu jirtay ducada iyo Maadigaba inay sii xoojiyaan,taas oo ay lagarab taagnaayeen walalahood xabsiga ku jiro.Waxaana ugu muhiimsn DUCADA.

DACWAATUKUM..

Wixii soo kordho waan idiin soo gudbin doonaa insha allaah.  02/11/12

 

W/D:  ( SH C/LLAHI  ABUL-FADLI   IN SANDIEGO.)

 

23 Comments so far

Leave a comment

  1. allaha kasoo daayo sheekhyada gaalada ….aamin aamin

  2. Ilaahay walaalaha diintooda ha u xifdiyo,hana kasoo daayo xabsiga. Ilaahay idankiisa way helidoonaan xoriyadooda.

  3. ilaah ayaan u baryeynaa walaalaha inuu gacanta cadowga ka soo bixiyo aamin. Ilaah ayaan u baryey walaal sh mohamed khadar inuu ilaah kacanta xaqdiidyada ka soo saaro.

  4. Alaha soo dayo culimada,, kuwa kalana allaha dhowro aamiin

    Sh abul-fadli alaha ku xifdiyo waadna dadaashay ee sii wad hogaanka waanu kula jirnaa meelkastood joogto

  5. thanks sh abulfadli

  6. Allaha ka soo daayo xabsiga wadaadada sida xaq darada ah loo xiray hana loo duceeyo. Nabiyadii Ilaahey iyo ducaada iyo ahlu lkeyrka waligood ayaa la imtixaani jiray oo la xiri jiray ama la dili jiray ha la badiyo ducada
    jazakumu Allaah kheyra

  7. waxaaa Alaah kabaryayaa inuu walaal xiran soo daaayo iyagoo salaaman aaminina ah isha alaah,wixii shar ah oodhana ka ilaaliyo.

  8. Waxaan salaanta islaamka ku salaamayaa Sheekhanaga faadilka ah,oo noo soogudbiyay war bixinta culimada illaahay ha dhowro,waxaan illaahay u waydiinaynaa wadaada xirin inuu illaahay ka soo daayo xabsiga aamiin.

  9. Asc Allaha Soo Daayo Walaalaha Xiran iyo sh Maxamed Qadarba.

    Sidoo kale Walaal Sh Abul-fadli Illaahay Ha kaa abal Mariyo Hawl fiican ayaad qabatay,Waxaana filayaa in walaalahaas ay ku farxeen markay arkeen culimadii oo xabsiga ugu tagayso shukran yaa abul-fadli.

  10. ilaahey waxaan oga baryayaa in walaal xiran xoriyadoodii alle usoocesho kuwa sharta ladoonayana alle oga gar gaaro.

    Alle hawaafajiyo iney dhibka kusamran.waxaan jaaliyada kacodsanayaa ineysan kadaalin tagerad culumada. Walaalka warbixintan soogudbiyey soobooqdey kheyr alle hasiiyo

  11. BACDAL SALAAN WALAALHAAS WAXAAN ALLAAH JALLA WACALAA UGA BARYAYNAA INUUKASOO BIXIYO GACANTA GAALADA AAAMIIIIIIIN,MIDA KALE WAX WALBA ILAAHAY WUXUU UYEELAY SABAB MARKA DADBADAN OO XIRAN OO GAALA AHAA AYAA ISLAANIMADOODA WAXAY KU XIRNAYD IN WADAADADAAN LASOO XIRO OO AY GACANTOODA KU ISLAAMAAN MARKA DHANKAASNA WAA KAFAAIIDO DHANA WAXAY UTAHAY IMTIXAAN, ILAAHAY HAKAGUULAYSIIYO IMTIXAANKA IIMAAN IYO DENBI DHAAFNA ALLAHA KASIIYO.

  12. Waxaan allaaha Qaadirka ah uga baryanayaa inuu Walaalahaa kasoo badbaadiyo gacanta cadowgaa,

  13. asc wr wb sheekh abu fadli khayr alaah ha ku siiyo sida aad ugu adeegayso bulshada muslimiinta ahna alaah hakaa jasaai siiyo, culimadana alaah hakasoo daayo ilaahayna dambidhaaf ha uga dhigo, jazaakumu laahu khayran,abu fawzaan

  14. ascwr walaalayaal alaha u barya inuu si fudud kusoo afjaro dacdawa dhamaanteed insha alaha gaal wa cadowga alaha iyo kan muslimiinta odhan
    tankale alaha subxana watacaala wax ka qarsan majiro hadane waa iska imtixaan ileen aduun wa darul acmaal wax walbane wa iska dhacaan alaha amaanadiisa wixii lagashto ma dayacmaane alaaha haku amaansado meel walbee joogaan siduu ugu nabad galiyay 3 mugdi hoostooda 3daaso kale ah riximka ilmaha alaha ku beeray mandheerta ku gadaaman iyo caloosha hooyada insha laha aamiin tankale waxa baaq udirayaa dhamaan dhalinta soomaaleyeed meel walboo joogaa hooyooyinka aabayaasha inee ubadkooda ku tarabiyeeyaaan kalimada toowxiidka maxayeelay wa harka kaliyaah ee maanta laharsan karo ileen toowxiidka haduu faraha kabaxo talane faro waa ka baxday alaaynu kamagan galnay uhlu bidco dhamaanteed qaasatan hooyooyinka waxa dhihi iska jira aduun wa fidno iskana jira inaa salaada fududeesataan ama dayacdaan ileen salaada oolaga tago ama ladayaco waxaa karatibma dunuub waaweeyn ama kufrinimo markii rasuulka (scws) laweeydiiday muxuu yahay xukunka taariku salaad wuxuu dhahay xukmuhaa kaafir marka haku sifoowina sifadaas oo hooyooyin noqda kuwo janadatul firdoowso ku hoydo caruurtoodane u horseedo insha alaha alaha subxana watacaala waxa kabaryi inuu ducaada arimahooda sida ugu dhaqsiyaha badan u fududeeyo bi idnilaaahi baarii wabilaahi toowfiiq ascwwr

  15. Ilaahay waxaan ka baryin in uu culimada xoriyadooda u soo celiyo

  16. asc alaah haka soo daayo isaga iyo inta lamidka ah ee aduunka daafihiisa ku kala xidhan

  17. Ilahay haka soo daayo xabsiga ay ku jiraan wa ilallah al mushtaak.

  18. as wr wbr ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu shuyukhdaas dib ugu sooceliyo xornimadoodii inshlaah xabsina kuma jiraan oo culimadii la xirijiray cilmigooda inta ugu badan xabsigay ku soo qoreen ilahay waxaan uga baryaynaa in uu uga dhigo xabsiga meel ay cilmigooda ku soo siyaadshaan dad baana ku soo islamaan gacantoodaa inshalaah aad ayaan uga xunahay sheekh maxamed khadar khayr badan baan ka baranay Maraykan i u xiro m aistaahilo alaaha ka so daayo inshalaah

  19. As Wr Wb
    Bacda salaan walaal abu fadi alle hakaa abaal mariyo miizaanka xasanaadkana hakuugu daro walaalaha kuxiran axabsigana waxay u tahay khayr culumooyinkii hore sidaas ayaa xabsigo loo geen jiray wayna ku farxi jireen maxaa yeelay waxay heli jireen wakhti ay ku akhristaan cilmiga sharciga kadibna halkaas kafaafin jireen daacwada ilaahiga walaalaha waxaan alle oga baryayaa inuu samir iyo iimaan iyo xifdin rabbi kusiiyo xabsiga gudihiis alloow aamiiin amiiin amiiiin ws wr wb

  20. ASCaleykum akhiyaarta dhamaantiin,waxaan illaah SWT uga baryayaa inuu kasoo daayo xabsiga danbidhaafna uga dhigo, dadka aay soo muslimiyeen ayaaba waxay tahay maasha’allaah waa wax lagu farxo. Waxaan kaloo oran lahaa meel walboo lajoogo illaah halaga baqo qabiilka sidaxun loo adeegsadana ha lays ka ilaaliyo wabilaahi towfiiq scaleykum.

  21. Ilaah subxaanah waxaan ka baryayaa in uu kasoo daayo xabsiga dambi dhaafna ugu badalo xabsigaas, sabirna ku arzuqo Aaaamiin ya ALLAH.

Leave a comment

*