Xaaladii Ugu danbaysay ee Xariga Shiikh Ciise Dhoore iyo Shiikh Maxamed Khadar
February 12, 2012 - Written bySidii aad la wada socoteen walaalayaal,waxaa in mudo ah ku xirnaa wadankan Maraykanka Imaamkii Masjidka Sandiego iyo walaalo kale oo ay kamid yihiin,Shiikh Ciise,walal basal iyo kuwo kale oo kamid ahaa dhamaantood jaaliyada somaaliyeed ee dagan magaaladaas Sandiego. Illaahay fadligii waxaa ii suura gashay inaan indha hayga ku soo arko Shiikh Ciise Dhoore lana sheekaysto qadar (25 daqiiqo ah),waxay ii hayd farxad wayn inaan lakulmo walaal aan isku baranay dacwada iyo illaahay dartii manta isagoo xiran,anoo jalsaad badan iyo dacwaba ku kulanay marar badan isagoo xor ah.Sheekh ciise ilaahay ayaa ku manaystay sabir iyo sugnaansho,caafimaadkiisu aad ayuu u fiicnaa,mural kiisuna aad ayuu u sareeyay,wuxuu aad iiga waraystay,masaajidii iyo dacwadii ka socotay,wuxuuna dar daarmay in dacwada aan laga seexan illaahayna manhajkiisa arlada lagu faafiyo.wuuna soo salaamayay dhaamn ducaadii ay isyaqaaneen iyo dhamaan jaaliyada,wuxuuna uga mahad cilinayay dadaalkii aan kala harka lahayn ee ay jaaliyadu ka muujisay difaacooda iyo garab istaagooda.
Sh maxamed Qadar isagu qaybta uu ku xiran yahay,looma ogola buuqashada,marka laga reebo xaaskiisa iyo caruurtiisa.laakiin waxaan ku wada hadalnay telefon,Muraalkiisa iyo Caafimaad kiisaba aad ayay u wanaagsanaayeen,Wuxuu ii sheegay inuu waqti badan u helay aqrinta qur’aanka,dacwadii uu banaanka ka wadayna uu ka wado xabsiga,ilaahay fadligiina in dad dhowr ah ay ku soo islaameen gacantiisa xabsiga dhaxdiis.Waa nimco wayn.wuxuu sheekha isna salaam iyo mahad naq u soo diray dhamaan jaaliyada gaar ahaan asxaabtiisii.
MAXKAMADII XAALKEEDA
Walaalaha marar badan ayaa la keenay maxkamad,laakiin nasiib wanaag mar walbaa dib ayaa loo dhigayay,qolyihii soo dacweeyay ayaana mar walbaa codsanayay in dib loogu dhigo
Si kastabo ha ahaatee waxay u muuqdeen inaysan xujo badan aynan hayn,sidaa awgeed mar walbaa ay codsanayeen in waqti dheeraad ah la siiyo.Balantii ugu danbaysay oo laqabtay ayaa waxay ahayd Bishan February 9keeda oo ahayd Khamiistii,waxay bilaabatay maxkamda Saacatu markay ku taagneed (9:00am)Waqtiga Calafornia,Dhamaan Qareenadii iyo qolyihii dacwada oo gayay iyo wadaadadiiba way soo xadireen,dad badan oo jaaliyada ahna way ka sooqayb galeen,waxaa bilowday su’aalo iswadiin iyo jawaab celin.Qareenada wadaadada waxaa ay ku doodayeen in waxaan lagu soo ee deeyay walaalaha aysan ahayn wax maxkamad la horgeeyo ee waa In la iska sii daayaa xoriyadoodana la siiyaa.Qolyahan kalana waxay leeyihiin maya kama harayno arinkaana waa in maxkamad lageeyaa. Dood dheer kadib waxaa la isku raacay in arinkaan dib loo dhigo maxkamadna la isugu yimaado,qolo walbana ay keensato wixii ay haystaan,Nasiib wanaag waxaa la qabtay waqti xoogaa u muuqday inuu yaro fogyahay laakiin waxaa laga yaabaa inuu qayr yahay.
Waxaana la qabtay bisha October 15 keeda ee sanadkan aan ku jiro,Lacala qayr,Waxaase kale oo latilmaamayaa inaysan meesha ka marnayn in wax la isku afgarto waqtigaa ka hor. Si kastabo ha ahaatee waxaa muuqato in rajada wadaadado ay aad u fiicantahay,lana filaayo inay hawsho iska soo afjaranto.
GABA GABADII:-Dhamaan Jaaliyada soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa inay sii wadaan taageeradii isugu jirtay ducada iyo Maadigaba inay sii xoojiyaan,taas oo ay lagarab taagnaayeen walalahood xabsiga ku jiro.Waxaana ugu muhiimsn DUCADA.
DACWAATUKUM..
Wixii soo kordho waan idiin soo gudbin doonaa insha allaah. 02/11/12
W/D: ( SH C/LLAHI ABUL-FADLI IN SANDIEGO.)

.gif)

