Xildhibaan horey ugu tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la dilay

February 28, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan ay ku dileen Koonfurta magaalada Gaalkacyo.  Allaha u naxariistee Xildhibaankaan ayaa waxaa uu  horey ugu tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Galmudug xiligii uu madaxweyne ka ahaa Galmudug Maxamed Warsame Cali Kiimiko Marxuumka la dilay ayaa waxaa la yiraahdaa Cabdullaahi Maxamed Siyaad (Shulux) .

Alaha u naxariiistee Cabdullaahi Maxamed Siyaad (Shulux) ayaa xildhibaanimada ka sokow wuxuu ahaa ganacsade aad looga yaqaan gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug . Dilka ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Gal-mudug .

Kooxda dilka u geysatay Marxuum Cabdullaahi Maxamed Siyaad (Shulux)  ayaa goobta isaga baxsaday .Dhanka kale waxaa saaka sidoo kale lagu arkay duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo laba dhalinyaro oo meyd ah kuwaas oo ay korkooda ka muuqatay rasaas lala dhacay.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka hadashay dilka loo geystay labada dhalinyaro oo ka tirsan Masuuliyiinta labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online