Ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya ah oo galay degmada Dhuusomareeb

March 24, 2012 - Written by

Ciidamada Itoobiya ah oo ku hubeysan gawaarida Tikniko ah ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka soo gaareen degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud waxaana ay ciidamada ka yimadeen Degmada Guriceel

Ciidamadaan ayaa lagu soo waramayaa in ay dageen gudaha iyo duleedka Degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud  halkaas  oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo maalmo ka hor weerar ku qabsaday Degmada Dhuusomareeb.

Dhaqdhaqaaq ciidan iyo diyaargarow ayaa waxaa wada ciidamada Al-Shabaab ee saldhiga ku leh degmada Ceelbuur oo 100-km dhinaca bari ka xigta Degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud. Sarkaal u hadlay Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Aadan Farey ayaa sheegay in xoogaggooda ku sugan gooblka Galgaduud ay ka warhayaan ciidamada Itoobiya ee duuleenka ku soo ah Degmada Ceelbuur wuxuuna sheegay in ay u diyaar garoobeen.

Ciidamada Itoobiya ee soo galay gudaha Soomaaliya ayaa  qabsaday degmooyinka Baydhabo, Baladweyne iyo Xudur oo ay horey uga talin jireen Ururka Al-Shabaab.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online