Guddoomiyaha Ururka Al-shabaab ee G/Banaadir oo sheegay inay sii wadayaan dagaalka

March 31, 2012 - Written by

Muqdisho:-Guddoomiyaha ururka Al-shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan)ayaa waxaa uu sheegay in uu fashilmay qorshihii ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ka dib markii ay duulaan ku soo qaadeen Degmada Dayniile ee gobalka Banaadir.

Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan) ayaa sheegay in ay dagaalkii shalay ku jabiyeen ciidamada AMISOM wuxuuna wacad ku maray in aysan marna joojin doonin dagaalka ay kala soo horjeedaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ilaa inta ay dalka ka baxayaan ciidamada shisheeye.

Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan) ayaa waxaa uu yiri isaga oo saaka la hadlaya warbaahinta Muqdisho “Waxaa naga go’an inaan dagaalka wadno waxayna Muqdisho noqon doontaa xabaalaha ciidamada AMISOM waana sii xoojin doonaa dagaalka ka socda Dagmada Dayniile ”

Ciidamada Burundi oo ka tirsan kuwa AMISOM ooo ay weheliyaan kuwa DFKM ayaa shalay duulaan ku qaaday Dagmada Dayniile waxaan halkaas ka dhacay dagaal culus oo ay guulo ka Sheegteen ciidamada AMISOM iyo Ururka Al-Shabaab.

Degmada Dayniile ayaa ah goob istaraatiiji ah oo looga gudbi karo Deegaanada loo barakacay waxaana aad u difaacanaya ciidamada AlShabaab halka kuwa AMISOM ay doonayaan in ay uga talaabaan Degmada Afgooye oo haatan xarun weyn u ah Ururka Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online