Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed oo codsi u jeediyey Ururka Jamacada Carabta

March 30, 2012 - Written by

Ciraaq:-Madaxwaynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa codsi u jeediyey wadamada ku bahoobay Ururka Jaamacada Carabta ka dib markii uu shalay ka qeyb galay kulan ay isigu yimaadeen madaxada wadamada ku bahoobay Jaamacada carabta waxaana lagu falanqeeyey xaaladaha dalalka Ciraaq,Suuriya Sudan iyo Soomaaliya.

Madaxwaynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa waxaa uu khudbadiisa shalay uu  kaga hadlay guulaha ay DFKM iyo kuwa AMISOM ka gaareen  dagaalka ay kula jirto ururka Al-Shabaab ee ku biiray Al-Qaacidda, waxaana sheegay in DFKM iyo kuwa AMISOM  ay harumar badan ay ka gaareen dhinaca amaanka wuxuuna sidoo kale tusaale u soo qaatay shirka wadatashiga ee lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe oo ahaa kuwa looga hadlayay Road Map-ka.

Madaxwaynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa ka codsaday dowladaha ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta inay ka taageeraan dib u dhiska dalka Soomaaliya, una gargaaraan dadka ay ku dhufteen abaaraha .Shariif ayaa sidoo kale ka codsaday madaxdii ka soo qeybgashay shirka in tababar loo fidiyo ciidamada DFKM gaar ahaan ciidamada Melatariga iyo Booliska .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online