Wafdi ka socda Midowga Yurub oo soo gaaray magaalada Garoowe (Masawiro)

March 30, 2012 - Written by

Garoowe:-Wafdi ka socda Midowga Yurub oo uu horkacayo Mr Georges Marc Andre wakiilka EU u qaanbilsan Somalia ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxayna kulamo ay la qaateen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland.

Madaxweynaha Puntland  Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  Mr Georges Marc Andre wakiilka EU u qaanbilsan Somalia iyo Agostino Miozzo agaasimaha guud maareynta xaalada deg dega iyo masiibooyinka Midowga Yurub waxaana kulanka sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiiro ka tirsan Puntland kuwaas oo kala ah wasiirka arrimaha gudaha Puntland Gen.Cabdulahi Axmed Jamac Ilkajir ,wasiirka qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga Dr.Da’ud Maxamed Cumar ,Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Jaamac iyo  agaasinka guud ee madaxtoyada Puntland Dr.Jaamac Warsame.

Markii uu soo idlaaday kulankii ay wada qaateen Madaxweynaha Puntland Dr.Cadiraxman Maxamed Farole iyo wafdiga Midowga Yururb ayaa waxaa la hadlay saxaafada Madaxweynaha Puntland wuxuuna ka warbixiyey wixii ay ka wada hadleen gaar ahaan xaalada amaanka ,abaaraha iyo sidii mashaariic horumareed looga hergalin lahaa Deegaanada Puntland.

no images were found

Wakiilka EU u qaanbilsan Somalia Georges Andre ayaa isna la hadlay saxaafada waxaana uu sheegay in Midowga Yurub ay garab istaagidoonaan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya wuxuuna sheegay in ay horey socdaal ugu soo mareen Maamulka S/land iyo magaalada Muqdisho.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online