Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey Jiiro Mad-Sheekh

April 14, 2012 - Written by

Baydhabo:-Ciidamada Al-Shabaab ayaa maanta weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo itoobiyaan ah kuwaas oo marayey deegaanka Jiiro Mad-Sheekh oo ku dhow degmada Bardaale ee gobolka ee gobolka Bay waxaana uu dagaalku ahaa mid culus oo socday mudo ku dhow saacad.

Saraakiil u hadlay Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay maanta khasaaro balaaran u geysteen kolonyo ciidamo itoobiyaan ah oo ku socday Degmada Bardaale waxayna sheegeen in ay dileen askar badan oo itoobiyaan ah.

Sidoo kale ciidanka al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamo itoobiyaan ah oo ku sugnaa deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay waxaana weerarka lagu dilay askar ka tirsan DFKM iyo kuwa Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ayaa howlgalo ka sameeyey deegaanada Awdiinle Jiiro Mad-Sheekh  iyaga oo soo qabtay dad rayid ah sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Assc.
    Allaah mahaddiis waayahaan waxaa soomaaliya ku soo batay wadaado.Waana wax lagu farxo.Dhibse waxuu yimaadaa markay is fahmi waayaan ayagoo hal kitaab wada haysta.
    Waayeel75

Leave a comment

*