Booqashadii Sh A/qaadir Nuur Faarax iyo Sh Moxamed Shaafici ee Lusaka- Zambia (Warbixin)

April 24, 2012 - Written by

Sidaan horay u sheegnay waxaa maalinti Arbacada 18/04/2012  booqasho dacwadeed ku soo gaaray wadanka Zambia Caalimka wayn ee Somaaliyeed Sheekh C/Qaadir nuur Faarax iyo Sheekh  Mohamed Shaafici iyo ducaad kale Booqa shada culimada ayaa ku timid Codsiyo hore  ay jaaliyada iyo ducaada Zambia  uga codsa deen gaar ahaan Sheekh C/qaadir  oo dhawr jeer oo hore lagu casuumay Zambia inuu soo booqdo laakin aan lagu guulaysan ALLAAH mahadii maanta ayay Rumowday riyadii Ducaada iyo jaaliyada Somaliyeed ee Zambia.

Booqashada culimada ayaa waxaa ku soo biiray ducaad kale oo ka kala yimid wadamo kale sida ingiriiska [England] waxaana ka yimid Sh A/kariim Dacale iyo wadamada dariska la ah Zambia oo ay culimada ka soo booqdeen ducaad kale, sida al ustaad Maxamed Deeq oo ka yimid Wadanka Congo.

Maalimihii khamiista iyo jumcaha culimadu waxay bixinayeen muxaadaraat badan oo meelo kala duwan ka dhacay oo ka mid ah masaajida iyo xarumaha Lusaka ku yaal,Waxaa kaloo garab socday booqashooyin iyo kulamo ay culimada la qaadanaysay qaybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed.

Maalintii Sabtida waxaa kulan wayn oo aad u ballaaran ka dhacay Xarunta Al-ummah oo ah xarunta ugu wayn ay ku leedahay jaaliyada somaliyeed Lusaka, waxaana soo xaadiray dadwayne aad u fara badan oo isugu jira rag iyo Dumar, waxayna muxaadaradaas ka dhacday Masjidka Al-ummah oo ah masjidka ugu wayn ee ay ka dhisto Zambia Jaaliyada somaaliyeed, masaajidkaas oo hada maraya marxaladihiisii ugu dambeeyay ka dib markuu dhagax dhigay sanadkii 2010 Sh Moxamed idriis Ahmed Xafidahulaah oo  booqasha dacwadeed ku yimid dalka Zambia.

Waxaa halkaas muxaadro Qiima badan ka soo jeediyay Fadiilat al Sh A/qaadir Nuur Faarax oo ku saabsanayd walaaltinimada iyo qiimaha ay ku leedahay islaamka Shiikhu mawduucaas ayuu aad ugu dheeraaday wuxuuna is bar bar dhigay sida diinteena qiimaha badan ay uga hadashay iyo sida ay maanta ka joogta somalida dhexdeeda.

Wuxuuna sheekhu dul istaagay waxa maanta somaliya ka jira. Muxaadarada ka dib Culimada ayaa guda gashay inay ka jawaabto su,aalihii dadwaynaha Su,aalahaas oo u badnaa arimaha Soomaaliya, Maalintii 2aad ee Axada ayaa kulan kale oo kii ka ballaaran ka dhacay isla Xarunta Al-ummah  waxaana aad loo sugayay mawduuca muxaadarada oo ahaa Taariikhda Saxwada ama baraaruga  Soomaaliya iyo maraaxishii uu soo maray iyo maanta meesha ay marayso cida sabab u ahayd idinka ALLAAH ka dib inay halkaas gaarto, waxaana si waafi ah u kala dhig dhigay Fadiilatu Sh A/qaadir nuur faarax oo inta badan u soo joogay maraaxishii kala duwanaa ee ay so martay
Muxaadaradaas oo dadwayne boqolaal gaaraya ay ka soo qaybgaleen ayaa aad loogu riyaaqay.

Muxaadaradaas ka dib ayaa dadwayne aad u badan waxay soo jeediyeen in Shiikha laga qoro taariikhdaas Dahabiga ah ee uu Xambaarsanyahay, Anaguna taladaas waxaan u jeedinaynaa  ducaada iyo Asxaabul qalinka ay sheekha wada daganyihiin, maadaama anaga uu maalmo nala joogayo, haduu ALLAAH idmo.

Isla maalintii axada Salaada maqrib ka dib waxay culimadu ka galeen muxaadaro kale oo cinwaankeedu ahaa tarbiyada Caruurta waxayna ka dhacday Masjidka Ohan Muxaadaradaad oo ay wada jeediyeen Sh A/qaadir nuur Faarax iyo Sh Mohamed Shaafici.

Duruustaas iyo muxaadaraatkaas waxaa garab socday kalimado aad u Qiima badan oo uu Sh Maxamed Shaafici saalada subax ka dib ka bixinayay Masaajidka Ohan oo muslimiin  badan ay soo xaadirayeen.

Subaxdii isniinta salaadii subax ka dib ayay culimada iyo wafdi ballaaran oo la socday u baqooleen caasimada 2aad ee Zambia Ndola halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen ducaada Ndola iyo dadwayne aad u farabadan .

Inshallaah wararkayaga dambe kala soco warbixinta  Booqashadii Ndola.

Muxaadaraadka Culumada iyo Masawirada waxaan soo gudbin doonaa Inshalaah

Abdisalan Farah Gas
Lusaka – Zambia

9 Comments so far

Leave a comment

  1. jazaakumu allaah dhamaan walaalooyinka

  2. Masha alah sheik alaha xifdiyo alah hakaqabto cadawga

  3. guul sh cabdulqadir

  4. Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh

    Mahad iyo Amaanba Allaah ayeey usugnaatay.taa kadib, culumada uu hogaaminayo Fadiilatu sheekh cabdulqaadir Nuur Faarax xafida hulaah .allaah ha xifdiyo dhamaantood aad ayaana oogu faraxsanahay sida wanaagsan ee ay dacwada u fidinayaan allaah ha idin waa fajiyo khayr dhamaantiis ,

    Waxaan si gooni ah usalaamayaa anoo culumada wada salaamaya sheekheeyga Wa akhii fillaah Sheekh maxamed shaafici xafidahulaahu waracaah. Baarakalaahu fiikum asxaabul Fadiilah.

  5. Illaahay ha xifdiyo sheikh c/qaadir nuur faarax iyo dhamaan culumadeena sharafta badan, allahana ka abaal mariyo dadaalka ay uso mareen hadana weli ugu jiraan faafinta diinta alle, ilaahy miisaanka xansaandka ha ugu daro

  6. Maashallaah ugu horayn allaah ayaad mahad oo dhan u sugnaatay,
    intaas cka dib waxaan u mahad celinayaa walaalaha hawl wadeenada Websitka Halgan.net oo runtii culimada daba socda inay meel kasta ay maraan inay ka soo gudbiyaan khyarka iyo wanaaga ay umada u sheegayanaa meesha qolooyin kale lagu imtixaamay ina culimada daba galaan meel kasta ay joogaan si ay been iyo cay uga sameeyaan,
    kuwaas waxaan ku leeyahay allaah ayaa idin kala xukumaya idinka iyo culimada aad caydooda iyo dicaayadooda aad shaqada iyo diinta aad ka dhiagateen.allaah swt waxaan waydiinayaa inuu calaamad deg deg ah ka muujiyo kuwa caadaystay arimahaas aan soo sheegay.
    wassalaam

  7. allah daritiis ayaan ujecelnahay alca’laamah shiikh c/dulqaadir nuur faarax allaah hakaa baal mariyo dadaalka aad wado shiikh c/dulqaadir adiga iyo culimada kale ee soo maliyeed.runtii waa loo baah naa in culimada shiikh c/dulqaadir kamidyahay sarafo kulala bixiyaan wadamada soomalidu degenthay si ay xaqa ugu cadeeyn jazaakumulaah kheeyr
    shiikh c/dulqaadir nuer faarx alaah wax san hakugu abaal mariyo aamin

  8. ilaahay ha idin barakeeyo halgan.net
    culimadeedana ilaahay ha xafido waxay ku hawlanyiin inay dacwada fidiyaan waxaan si gaar ah u salaamayaa fadiiladu sheekh waalid c.qaadir Nuur Faarax iyo sheekh Maxamed shaafici ilaahay jazaa’i khayr leh ha idinka siiyo juhdigiina idinka iyo culimada kaleba

  9. Illaahay ha xifdiyo sheikh c/qaadir nuur faarax iyo dhamaan culumadeena sharafta badan, allahana ka abaal mariyo dadaalka ay uso mareen hadana weli ugu jiraan faafinta diinta alle, walalaha halgan allaha ka abaal mariyo iygana warbaahita waxkuoolka ah ee ay ummada u qabteen

Leave a comment

*