Ciidamada Amaanka ee magaalada Garoowe oo xiray dhalinyaro looga shakiyey Al-Shabaab

April 9, 2012 - Written by

Garoowe:-Taliyaha saldhigga dhexe ee Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland G/sare  Dhame Aadan Muuse Jaamac ayaa maanta la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka amaanka ee magaalada Garoowe ay gacanta ku dhigeen 14 dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay in ay ka mid yihiin Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Saldhige dhexe ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in dhalinyarada ay ka qabteen gudaha magaalada Garoowe ay isigu jiraan kuwa looga shakisan yahay in ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo kuwo falal amaan daro iyo maandooriyaal lagu soo qabtay waxaana uu sheegay in ay wili socdaan baaritaano .

Aadan Muuse ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhlainayarii ay qabteen ay sii daayeen markii uu baaritaanka u dhamaaday waxbana lagu waayey balse ay haatan hayaa dhalinyaro kale oo ay wili u socdaan baaritaano kala duwan.

Howlgalada lagu soo qabtay dad gaaraya ilaa 104 qof ayaa shalay ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaana haatan ku haray saldhiga magaalada Garoowe sida uu warbaahinta u sheegay maanta Taliyaha saldhigga dhexe ee Garoowe ilaa 38 qof .

Ugu danbeyntii ayaa Taliyaha saldhigga dhexe ee Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland G/sare  Aadan Muuse Jaamac ayaa waxaa uu digniin u soo jeediyey dhalinyarada ku howlan amaan darida iyo kuwa ka tirsan Al-shabaab wuxuuna sheegay in maxkamad la soo taagi doono cidii ay ku cadaato danbiyada looga shakisan yahay.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online