Ciidamo iyo saraakiil wata Astaanta dalka Sierra Leone lagu arkay degmada Ceelwaaq

April 12, 2012 - Written by

Gedo:-Wararka naga soo gaaray degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in  ay soo gaareen gudaha Degmada ciidamo iyo saraakiil wata astaanta dalka Sierra Leone kuwaas oo aan la aqoon tiradooda waxaana horkacaya saraakiil ka tirsan ciidanka dalka Sierra Leone  .

Midowga Africa ayaa horey  u sheegay in ciidamo ka tirsan dalka Sierra Leone ay soo gaari doonaan dalka Soomaaliya balse waxaa isbuucaan lagu arkay  Degmada Ceelwaaq ciidamo wata astaan ka duwan kuwa dalka Kenya .

Ilaa haatan si rasmi ah uma aysan shaacin dowlada Sierra Leone balse waxay qirtay in saraakiil ka tirsan ciidankooda uu sahan u joogo dalka Soomaaliya .

Magaalada Mombaza ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu tababaraa ciidamo ka tirsan wadamada Midowga Afrika kuwaas oo balan qaaday in ay ciidamo u soo diraan dalka Soomaaliya si ay uga  qeyb qaataan howlgalada ay ciidamada AMISOM ka wadaa gudaha Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online