Ciidanka Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamada Kenya

April 11, 2012 - Written by

 Kismaayo:-Wararka naga soo  gaaraya gobalka J/hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo shalay iyo xalay ka dhacay deegaan u dhexeeya Degmada Badhaadhe iyo Kulbiyoow uu khasaaro ka soo gaaray ciidamada Kenya ka dib markii ay wadada u galeen ciidamada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa qaraxay ka dib markii miinooyin loo dhigay ciidamada Kenya ka dibna ay la kacday laba gaari oo kuwa Tiknikada ah waxaana la xaqiijiyey in ay dhinteen 10 askari oo isigu jira Kenyaan iyo Soomaali,Qaraxa ka dib ayaa waxaa xigay dagaal culus oo fool ka fool ah waxaana uu socday mudo ku dhow saacad.

Ciidamada Kenya ayaa caawinaad weydiistay diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ka dib markii ay go,doomeen waxaana laga gubay laba gaari oo kuwa dagaalka ah.

Wariyaha Halgan.net ee gobalka J/hoose ayaa loo xaqiijiyey dagaalka shalay iyo xalay in uu ahaa mid ay si aad ah u soo qorsheeyeen ciidamada Al-Shabaab oo dagaal dhuumaaleysi ah ku wada ciidamada Kenya ee ka soo talaabay xadka Soomaaliya

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan u dhexeeya Degmada Badhaadhe iyo Kulbiyoow waxaana markii uu dagaalka uu joogsaday ay bilaabeen ciidamada Kenya iyo kuwa DFKM in ay baaraan kuna qamaamaan guryaha shacabka ku haray deegaanka Badhaadhe iyo Kulbiyoow .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online