Daawo Video laga soo duubay Qaraxii lagu khaarajin lahaa Ra’iisul Wasaaraha DFKM

April 4, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisulwasaaraha DFKM Dr.C/Weli Maxamed Cali Gaas oo ayaa maanta waxaa uu si dirqi ah uga badbaaday qarax lagu khaarajin lahaa qaraxaas oo ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka halkaas oo ay ka socotay munaasabad lagu maamuusaayey 28 guuradii ka soo wareegtay asaaskii idaacadda iyo TV-ga qaranka Soomaaliyeed STN.

Qaraxa ayaa waxaa uu geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Halgan.net ayaa xaqiijiyey in uu qarax ku dhintay Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Siciid Nuur Mugaambe iyo Guddoomiyihii gudiga olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow Wiish,waxaa soo baxaya warar is khilaafsan nooca uu qaraxu ahaa iyo cida fulisay.

Isha Video Waxaa iska leh HonCable Tv

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ilaahay subxaanahu watacaalaa ha u naxariisto mmuslimiinta meshaas lagu xasuuqay inta dhaawaca ahna allaah ha u booga dhayo, intaas ka dib nimanka ilaahay ugu dhawaanaya dhiigga muslimiinta, iyo inay umadda muslimiinta ah hoy iyo hoyaad u diidaan waxaan allaha wayn oo waaxidka ah ku baryayaa magacyadiisa wanwanaagsan iyo saifaadkiisa suu suuban inuu umadda ka qabto, ilaahaw kuwaas naga qabo, ilaahay umadaada uga raaxee ilaahow diintaadii ayay ku xad gudbeen oo dhiigii aad xurmada u yeesheen ayay xurmadii ka qaadeen, oo awliyadaadii ayay laayeen, ilaahay adaan caaga dacwoonaye naga qabo, ilahow umaddeena xal khayr qabo u soo deji.

Leave a comment

*