Daawo Video laga soo duubay Qaraxii lagu khaarajin lahaa Ra’iisul Wasaaraha DFKM
April 4, 2012 - Written byMuqdisho:-Ra’iisulwasaaraha DFKM Dr.C/Weli Maxamed Cali Gaas oo ayaa maanta waxaa uu si dirqi ah uga badbaaday qarax lagu khaarajin lahaa qaraxaas oo ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka halkaas oo ay ka socotay munaasabad lagu maamuusaayey 28 guuradii ka soo wareegtay asaaskii idaacadda iyo TV-ga qaranka Soomaaliyeed STN.
Qaraxa ayaa waxaa uu geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Halgan.net ayaa xaqiijiyey in uu qarax ku dhintay Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Siciid Nuur Mugaambe iyo Guddoomiyihii gudiga olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow Wiish,waxaa soo baxaya warar is khilaafsan nooca uu qaraxu ahaa iyo cida fulisay.
Isha Video Waxaa iska leh HonCable Tv
Halgan.net

.gif)

