Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Ceel Shiil ee gobolka Galguduud.

April 17, 2012 - Written by

Ceelbuur:-Dagaal culus ayaa maanta duhurkii waxaa uu ka qarxay deegaanka Ceel Shiil ee gobolka Galguduud kaas oo u dhexeeya ciidanka Al-Shabaab iyo  Ururka la baxay Ahlu Sunna wuxuuna sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa qarxay ka dib makii ciidamada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kuwa Ahlusuna oo ku sugnaa deegaanka Ceel Shiil ee gobolka Galguduud.labada Urur ayaa guulo ka sheegtay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Ceel Shiil

Sarkaal u hadlay Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Ceel Shiil ee gobolka Galguduud ay guul ka gaareen ayna la wareegeen deegaanka Ceel Shiil ee gobolka Galguduud.

Afhayeenka Ururka la baxay Ahlu suna ee gobalka Galgaduud ayaa guul ka sheegtay isagana dagaalkii maanta mar uu la hadlay warbaahinta ka howlgasha gobalka Galgaduud.

Isku wada duuboo waxaa ka socda gobalka Galgaduud dagaalo dhuumaaleysi ah oo ay Al-Shabaab ku qaadayaan Ururka Ahlusuna iyo ciidanka Itoobiya oo haatan qabsaday deegaano badan oo ka tirsan gobalka Galgaduud.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online