Dagaal saaka ka qarxay Duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool

April 1, 2012 - Written by

Laascaanood:-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu ka qarxay duleedka magaalada kaas oo u dhexeeya Ciidamada maamulka S/land iyo ciidamo daacad u ah maamulka Khaatumo state waxaana uu dagaalku qarxay 6:30 subaxnimo.

Halgan.net oo khadka Tel kula xiriirtay goobjooge ku sugan duleedka Laascaanood ayaa sheegay in weli dagaalka uu socdo wuxuuna sheegay in uu dagaalka qarxay ka dib markiii ay ciidamo ka tirsan maamulka S/land ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka  Khaatumo state waxaa laga maqlayaa gudaha magaalada Laascaanood Madaafiic iyo hub ka culus ee la isku ridayo.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa weli ka socda hareeraha degmada Laas-caanood mid ka mid ah saraakiisha Maamulka Khaatumo state ayaa sheegay in ay ka go,an tahay in ay la wareegaan magaalada Laascaanood oo ay heystaan buu yiri Maamulka S/land.

Magaalada Laasocaano ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa qabsaday ciidamo daacad u ah Maamulka S/land sanadkii 2007-dii wixii ka danbeeyeyna waxaa ka socday kacdoon ay shacabka Laascaanood ku diidan yihiin Maamulka S/land waxayna dhigeen dhowr jeer banaanbaxyo rabshado wata oo ay ku diidan yihiin Maamulka S/land.

Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalka kala soco Halgan.net

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online