DAMACII LIITEY Dr Saadiq Eenow

April 8, 2012 - Written by

Damacu waa tilmaan aad u liita oo qofkii wax isku falaaya uu ka xishoodo. Waa tilmaan la xiriira aragti ku dhisan dugaag nimo, taas oo ka dheer garaadka hagaagsan iyo garashada wanaagsan. Qofku markuu damco in uu wanaagga iyo kheyrka badsado, laguma tilmaamo qof damac-xumi ay qaadey. Bal waxaa la yiraahdaa, waa qof leh han sare oo uu tiigsanayo iyo hiraal qurxoon oo u muuqda. Dhan-kale, damacu waa fal-celis ka yimaada liidasho iyo u-muhashada walxaha ay naftu jeceshahay. Qofkaasi wuxuu isku luraa doonis dhal-dhalaal adduun iyo wax uusan calaf ku lahayn. Dadka damaacleyda ah, muhashada adduunka oo ay ku qahran yihiin waxaa u weheliya fuleynimo iyo garaad-xumi. Iyagu waa dad ay noloshu cabsi badan ku heyso, taas oo ay garan la’yihiin sidii ay u maareyn lahaayeen humaagga cabsidaas iyo xanuunka ay ku heyso.

Arintaas ayaa u sabab ah in ay mar walba doonaan wax badsi iyo waxyaabo  ayan xaq u heleyn. Markaas ayaa waxay ku kacaan gafaf ay ka maarmi kareen falalkooda. Yaasiin Cismaan Keenadiid, qaamuuskiisa af-soomaaliga, fasiraadda uu ka bixiyay ereyga Damac waxaa kamid ah Hunguri-wayni.

Tilmaanta damaca waxaa ka soo hor-jeeda qanaacad. Sida la og-yahay, nafta qanaacadda leh waa naf qofkeedu yahay geesi oo wal-wal kama uu qabo hagar-daamada nolosha. Waa qof leh tilmaamaha kuwooda wacan. Isagu wuxuu iskala wayn yahay in uu gaadmo ama bareero ku qaato wax uusan xaq u lahayn. Dadka ceynkaas ah waxay ka caafimaad qabaan xanuunnada nolosha ee qahraya kuwa damacleyda ah. Waxaa jirta ooraah oraneysa (waa sabool mid kasta oo damac leh, waa hodan mid kasta oo qanac leh).

Dadnimada iyo gobanimada waxay la xiriirtaa in qofku qanaacad leeyahay oo uu ka maarmo wax kasta oo uusan xaq u lahayn. Kuna qanco saamiga xagga Eebe (kor ahaaye) looga gartey. Caqli-xumida iyo gunnimadana waxay la xiriirtaa in qofku uu hunguri-waynaado oo mar walba uu doono wax uusan xaq u lahayn. Qof damac badan waa qof qahran, kana dheer in uu guuleysto. Isagu wuxuu ku dhintaa noloshan aynu joogno, nolosha danbena dembi badan ayuu kula hoydaa. Eebaha boqorka ah (kor ahaaye), goor hore ayuu tusaale inaga siiyay kuwa damacu qaadey. Si xikmad ku dheehan tahay ayuu inoogu tilmaamay aragtidaas xambaarsan tallaalka guracan, kaas oo naftii uu gaaro ay si-xun ugu hiraan-hireyso dunida iyo walxaheeda. Waxaa taas u weheliya in damucu uusan ahayn mid qofkiisa baahi-tira si kasta oo uu gacanta ugu dhigo wixii markaas u muuqdey ee uu u muhoonayay. Markasta oo qofka damaca leh uu gaaro arin uu higsanayey, wuxuu ka-qaadaa damac kii hore ka wayn. Markaas ayuu daba cararaa mac-macaanka nolosha, isaga oo sidii eygii feeraha ka guuxaya.

Qof damac qaadey kii ugu liitey iyo meeshii ay noloshiisii ku abyootey waxaa inooga sheekeynaya Eebaha xilli-walba joogey ee talada iyo hanuunka ay xaggiisu ahaadeen. Ogaalka la xiriira dhacdadii heshey qofkan iyo waynanka ay qisadu leedahay, ayuu Eebe (kor ahaaye) tusaale inoogu soo qaatey. Tusaalahan waa nin aadami ah kaas oo nolosha ka gaarey darajooyinka sare ee cirka laga bixiyo. Darajo ka duwan kuwan humaagga maalmo la-noolka ah. Isla-ninkan ayaa misana damac dartiis u soo hoobtey darajooyinka ciidda yaal ee lagu tunto. Eebe (kor ahaaye) wuxuu inoo xusey sawirka ay yeelanayaan kuwa damaca badan. Isla-markaa wuxuu inoo tilmaamey in kuwaas ay lamid yihiin eeyada oo kale ee feeraha ku guuxaya. Kuwa habeen iyo maalin u taagan boobka addoomada Eebe, kuwa hunguri-wayni darteed ayan u kala soocneyn xaaraanta iyo xalaasha, kuwaas ayuu Eebe (kor ahaaye) wuxuu ku tilmaamay eey hiraan-hiraya oo goor kasta carrabka laad-laadinaya.

Xayawaankan eyga ah ee tilmaanta loo soo qaatey waa xayawaan xaqiran ee la adeegsado. Isla-markaas wuxuu kulansadey tilmaamo ay ka muuqato liidasho iyo hooseyn. Waa fuley oo intaas hoos ayuu u jeedaa. Hoos u-jeedka waxaa ku khasbey damac uu ka qabo in uu dhulka luf-luf ka helo iyo isaga oo aanan qorshaha ugu jirin in uu meel dheer wax ka ugaaran karin. Damaciisa liita iyo hankiisa hooseeya ayuu ku muteystey fool-xumida intaas le’eg. Taasi waa hadduu baahan yahay iyo hadduu dhergan yahay labaduba. Eebe (kor ahaaye) wuxuu inoo sheegayaa tilmaamahaas aanu soo xusney mid ka liidata oo uu eygu leeyahay. Waa tilmaanta ah in uu hiraan-hiro oo carrabka laad-laadiyo. Suuradda Al-Acraaf, aayadaheeda labada ah ee 175-aad iyo176-aad, Eebe (kor ahaaye) wuxuu si kooban inooga sheekeynayaa ninkaas kharibmey oo eyga lagu mataaley. Aayaduhu waxay leeyihiin:

1. وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ الَّذِيَ آتَيْنَاهُ آيَاتِنَا فَانسَلَخَ مِنْهَا فَأَتْبَعَهُ الشَّيْطَانُ فَكَانَ مِنَ الْغَاوِينَ . وَلَوْ شِئْنَا لَرَفَعْنَاهُ بِهَا وَلَكِنَّهُ أَخْلَدَ إِلَى الأَرْضِ وَاتَّبَعَ هَوَاهُ فَمَثَلُهُ كَمَثَلِالْكَلْبِ إِن تَحْمِلْ عَلَيْهِ يَلْهَثْ أَوْ تَتْرُكْهُ يَلْهَث ذَّلِكَ مَثَلُ الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُواْ بِآيَاتِنَا فَاقْصُصِ الْقَصَصَ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ

Dushooda ku akhri khabarka midkii aanu siiney aayaadkayaga, dabadeed ka xuub-siibtey oo markaas sheydaan raacey oo kamid ahaadey kuwa habaabey. Haddii aanu doonno kor ayaanu u qaadi lahayn, laakiin dhulka oogadiisa ayuu (maleeyey) in uu joogayo, markaas ayuu hawadiisii raacay, mataalkiisu waa ey oo kale, haddaad dushiisa rartona waa uu hiraan-hirayaa haddaad iska deysona waa uu hiraan hirayaa, sidaas waxaa ah mataalka reeraha beeniya aayaadkayaga, ka sheekee sheekooyinkaas si ay u fekeraan “.

Khabarka ay tebinayaan aayadahan labada ah, waa mid xambaarsan dhacdo murugo badan. Waxay tahay sheeko la xiriirta nin caalim ahaa oo caabid ahaa, kaas oo sabirkiisa iyo yaqiintiisa ay gaarsiiyeen in xagga Eebe (kor ahaaye) laga aqbalo dacwadaha uu gudbisto. Ninkaasi oo kamid ahaa raggii raacey nebi Muuse (nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) ayaa waxaa lagu sheegaa in magaciisa la oran jiray Bilcaam bin Baacuuraa. Darajadaas sare ee uu heley waxaa u raacey ayaan-darri tii u liidatey. Sheydaan ayaa wuxuu u qurxiyey dhal-dhalaalka adduunka. Mac-macaankii xaaraanta ahaa ee uu jecleystey ayuu ku fogaadey, markaas ayuu wuxuu garan waayay in ay jirto maalin korontada laga daminayo. Xumaantii uu sameynayay oo uu ku fogaadey ayaa wuxuu la illaawey in cimrigu ka dhamaanayo, wakhtigana uusan ahayn agab dib leysugu celiyo. Markaas ayaa wir-wirka nolosha waxaa uga dhex-muuqdey, male ah in ayaamuhu ay u waarayaan.

Bilcaam bin Baacuuraa, xumaantii uu sameynayay ayaa waxay gaarsiisey, in uu la dagaalamo nebigii uu raacsanaa. Sababtu waxay ahayd, wuxuu doonayay colaadda nebiga in uu ku gaaro mansab adduun. Dabadeed intuu is-illaawey ayuu ku fogaadey dhex-maashood xumaan iyo xaaraan. Doonista Eebe (kor ahaaye) ee ah mid ka koreysa doonista qofka ayaa markaas ganaax kaga yimid. Sababtuna maahan in dulmigu kaga yimid xagga Eebe (kor ahaaye), bal isaga ayaa ka tegey mudnaantii aadaminimo ee doortey in uu sidii eeyada ku noolaado. Markaas ayuu muteystey wixii uu xaqa u yeeshey. Isaga oo ey lamid ah ayaa lagu xusey bayaankan ka yimid xagga Eebe (kor ahaaye). Magaciisa iyo sheekadiisuba waxay noqdeen kuwo qarniyo badan leysu tebiyo oo facba fac u gudbiyo. Ceebta iyo fool-xumida uu huwadey waxay digniin u tahay kuwa damaca xun ee nafafyaalka jiran wata.

Qofku markuu ku fogaado raacidda nafta hawadeeda, wuxuu noqdaa midka ugu habowsan nolosha. Wuxuu ka iilanayaa tubtii aadaminimada ee toosneyd. Noloshii ayaa weji kale u yeelaneysa. Markaas waxaa ku adkaanaya in uu u tallaabsado sidii aadamiga. Wuxuu luminayaa miisaankii nolosha. Aayadda 50-aad, suuradda Al-Qasas, Eebe (kor ahaaye), arintan ayuu inoogu tilmaamayaa. Aayadda 71-aad ee suuradda Al-Mu’minuun waxay inoo sheegeysaa bayaan ah:

(وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّنِ اتَّبَعَ هَوَاهُ بِغَيْرِ هُدًى مِّنَ اللَّهِ)

…….……… yaa ka baadiyeysan midka raacey hawadiisa hanuun la’aantiis Eebe xaggiisa ahaadey, Eebe ma hanuunsho kuwa dulmi-falayaasha ah “.

Hawada oo la raacaa waxay halleysaa qofka iyo bulshada. Si loo ilaasho sharafka qofka aadamiga ah iyo hannaanka hagaagsan oo ay cimiladu ku dhisan tahay, Eebe (kor ahaaye) wuxuu dejiyay xeer adag oo uu ku reebayo in hawada la raaco. Wuxuu inoo sheegey, haddii dadku ay hawa-raac noqdaan, in wax badan ba’ayaan. Dabadeed waxaa la hallaabaya cimiladii hagaagsaneyd ee nolosha. Arintaasi waxaa goor hore inoo caddeeyey Eebaha boqorka ah (kor ahaaye) ee wax-walba ogaha ah. Aayad quraan ah ayuu wuxuu ku yiri:

وَلَوِ اتَّبَعَ الْحَقُّ أَهْوَاءهُمْ لَفَسَدَتِ السَّمَاوَاتُ وَالأَرْضُ وَمَن فِيهِنَّ

Haddii xaqu uu raaci lahaa hawadooda, waxaa fasahaadi lahaa cirarka, dhulka iyo wixii dhexdooda ahaadey ……………. “.

Haddaba hadduu Eebe (kor ahaaye) inoo sheegey in dhulka iyo cirarka mugga wayn ay la xumaanayaan falaadka dadka oo hawadooda raaca, maxaan ka fileynaa kuwa iyaga oo hawo-raacayaal ah maareynaya maamul degmo ama gobol ama dal ama shirkad ama mashruuc bulshadeed. Eebe (kor ahaaye) riwaayaddan uu inoo soo miin-guurinayo waxay tahay mid qiimigeeda leh. Waxay tahay mid ahmiyad u leh aadamiga si naftiisana u digtoonaado, kuwa hawadu qaadateyna looga digtoonaado. Sababtaas ayaa loo fogeeyey oo kuwaas loogu mataaley bahalkaas xaqiran oo eyga ah. Casrigan oo aadamigu uu wax badan ka ogaadey asraata nolosha masaalixdiina ay isku murgatey, waxaa faham dheeri ah laga helayaa xikmadda iyo xeel-dheerida ku jirta tusaalaha Eebe (kor ahaaye).

Haddaanu faallo ka bixino bulsha-waynta reerka eeyada ah, waa ummad kamid ah bah-waynta laf-dhabarta leh (vertebrates), kuwooda hawada ku neefsada ee naasaleyda ah (mamals). Bahda eeyada waxaa leysku yiraahdaa (Canis Familiaris). Waxay ab-saxan wadaagaan beelaha ay kamid yihiin Libaaxyada, Shabeellada, Dhurwaayada, Yeyda, Dawacooyinka, Haramcaska, iyo Bisadaha. Dhamaantood waxaa raashin u ah oo ay cunaan hilbaha. Waxaa lagu qiyaasaa tiro 400 oo melyan oo ey ah in ay dunida ku nool yihiin. Eeyadu waxay kamid yihiin bahallada bulsho ahaan ku nool oo qoys ahaan ayay isula socdaan. Isla-markaa wadar-ahaan ayay u ugaartaan. Eeyadu, sida bahallada ay ab-saxanka wadaagaan, jirkooda wuxuu leeyahay xubno ku haboon ugaarsashada iyo hilbo cunidda. Waxay leeyihiin daaman ay ku yaalliin murqo adag iyo gowso ballaran oo ay hilbaha ku goostaan kuna calaliyaan. Waxaa kaloo ay leeyihiin ciddiyo wax muda iyo addimo murqo adag oo ay ku xajistaan ugaarta ay gacanta ku dhigaan. (Ray Coppinger. Understanding of Canine Origin, Behavior and Evalution. 2001. P. 352. New York – USA).

Hannaanka dareen-sidaha oo eeyadu ay leeyihiin xubnaha ugu xooggan waxay yihiin dareenka maqalka iyo dareenka urinta. Waxaa kaloo ay leeyihiin hannaan dheef-shiid oo ku haboon shaqada looga baahan yahay gudaha jirka ee looga faa’iideysanayo hilbahan ceyriinka ah iyo wasakhda badan ee la socota raashinka ay eeyadu cunaan. Dareenka urinta ee eeyadu wuxuu yahay mid leh awood sare. Waxay urin ku kala soocaan waxyaabo badan oo aanan dadka u sahlaneyn in ay kala soocaan. Waxaa kamid ah qoyaanka ku jira gudaha korka aadamiga iyo iyo gudaha jirka bahallada. Sida dhididka, dhiigga iyo dheecaanada kale oo jirku ku shaqeeyo. Sidaas si lamid ah ayaa waxay u kala soocaan ciidda kala duwan, dhirta kala duwan iyo xataa walxaha kiimikada ah oo milankoodu uu kala duwan yahay. Eeyadu markii ay ursadaan walxaha hortooda yaal, dareenkooda urinta ayaa wuxuu markiiba raacaa waddooyinka dareen-sidayaasha ah. Waxay u gudbiyaan xaruntii ay maskaxda ku lahaayeen unugyada ka masuulka ah falka urinta. Xaruntaas ayaa waxay tahay degaan ka baaxad wayn kana unugyo badan xarumaha unugyada kale ee ka masuulka ah dareemada kale ee kala duwan. Unugyada halkaas ku sugan ayaa waxay fasiraan oo isla-markaas u dejisaa wixii barnaamijyo ah ee looga baahan yahay howlaha la xiriira urka iyo jawaab-celiskiisa.

Dareenka maqalka ee eeyada ayaa qudhiisu wuxuu yahay mid la yaab leh ee labeeya kan urinta. Maqalka eeyadu wuxuu ka awood badan yahay kan aadamiga. Maqalka ayaa sidiisaba waxaa sababa riix-riixidda iyo soo cel-celiska (compression and refraction) hirarka gudbaya qalabka dhegta. Kuwaas oo markii la eego dhegaha dadka xuduudda ay wax ka maqlaan ay tahay 12 – 20.000 Hz. Halka xuduudda maqalka eeyada ay le’egtahay 40 – 60.000 Hz. Dareenka ugu liita dareemayaasha eeyadu waa dareenka aragga. Eeyada dhamaantood awood uma laha in ay kala soocaan midabyada kala duwan oo walxuhu leeyihiin. Wax kasta oo hortooda uga muuqda wuxuu u leeyahay hal midab.

Aadamigu goor hore ayuu bilaabey in uu dhaqdo eeyada si uu u adeegsado. Muddada ay eeyadu saaxiibka la ahaayeen dadka waxaa lagu qiyaasaa in ay gaarsiisan tahay 12.000 oo sano. Tan iyo xilligaas ayuu aadamigu howlo kala duwan ku qabsanayay eeyada. Xilligan casriga ah waxaa si wanaagsan loo diraaseeyey hannaanka dareen-sidaha (nerv system) oo eeyadu ay leeyihiin. Iyada oo laga faa’iideysanayo dareemada sare oo eeyadu ay leeyihiin ayaa waxay sababeen, qeyb eeyada kamid ah in ay ka gudbaan adeegyadii hore oo ay qaban jireen, taas oo u badneyd ilaalo iyo ugaarsi. Qaar kamid ah eeyada maanta jooga, waxay si buuxda uga howl-galaan mu’asaasaadkii u dhismey bulshooyinka cusub, kuwaas oo ay ka hayaan adeegyo culus. Waxaa kamid ah mu’asasaadka nabadgelyada oo ay ka kaalmeeyaan helidda walxaha la tahriibinayo ee uusan sharcigu oggoleyn. Eeyadu waxay la shaqeeyaan ciidamada ilaaliya xudduudaha, dekadaha iyo gegiyada dayuuradaha. Biliiska baaritaanka sameeya ayaa marar soo kaxeysta eeyo, si ay ugu kaashaadaan howlaha ay ku baadi-goobayaan denbiyada dhacay ama dhacaya, islamarkaa waxay gacan ka geystaan in la helo qaar kamid ah kuwa geysta falalka denbiyada ah. Waxaa taas loo maraa dareemada xooggan ee eeyada ku rakiban ee ah maqalka iyo urinta.

Tijaabooyin dhowaan la sameeyey qudhoodu waxaa laga ogaadey, eeydu in ay dadka ka kaalmeen karaan in goor hore la ogaado unugyada xambaarsan cudurka kaankarada. Sidaasna lagu badbaadiyo caafimaadka qofkii unugyadaas sidey. Waayo sida la ogsoon yahay haddii goor hore la helo unugyada kaankarada, markaas waxaa fudud in cudurkii la daweeyo. Haddiise iyaga oo faafey la ogaado, waxaa adkaanaya in wax laga qabto. Awoodda urka oo eeyadu leeyihiin ayaa weli waxaa lagu hayaa tijaabooyin looga golleeyahay sidii uu aadamigu uga faa’ii’deysan lahaa, in ka-badan inta hadda laga faa’iideysto.

Aayadaha quraanka waxaa u caado ah in ay nolosha inaga siiyaan casharro wax ku-ool ah, kuwaas oo aragti ahaan iyo camali ahaanba faa’iido u leh aadamiga. Xayawaankan eyga ah ee lagu xusey aayadda kor ku qoran, waxay si gaar ah inoogu tilmaameysaa calaamad astaan ah oo si gaar loo ishaarey taas oo ay eeyadu leeyihiin. Waxay tahay hiraan-hirka iyo feero ka-guuxa u caadada ah bahalkan. Eeyada, mar-walba afkooda waa furan yahay, carrabkooduna dibadda ayuu yaal. Waxay leeyihiin sambab intaa waa dhawaaqayaa. Sababtu waa dabeysha xooggan oo sida joogtada ah ugu socota. Jirka eeyadu awxay helaan mug hawo ah (oxygen – O2) oo badan. Arintaasi, waxaa jirka eeyada ugu hagaagaya hannaanka lagu magacaabo Homeo-stasis, kaas oo dheelli-tir u sameeya fisiolojiyada cimilada gudaha jirka. Wuxuu markaa sabab u noqonayaa, hannaankii gudaha jirka in ayan la rog-rogman is rog-rogga cimilada dibada darteed. Gaar ahaan hagaajinta biyaha gudaha ku jira (Fluid regulation) iyo hagaajinta kuleylka gudaha jirka ah (Themo-regulation).

Waxaa xusid mudan in dhididku uu kamid yahay falalka milgaha culus ee isu dheelli-tira cimilada gudaha jirka noolaleyda iyo midda dibadda ah. Jirka eeyadu malahan qanjirrada dhididka keena, kuwaas oo haragga hoostiisa ugu rakiban noolaleyda intooda badan. Qanjirradaasi waxay door xoog leh ka cayaaraan hagaajinta cimilada gudaha. Eeyadu qanjirradaasi waa ay ku yar yihiin. Waxayna kaga yaalliin gudaha cagaha oo keliya. Qanjirradaasi maahan kuwo ku filan dhididka uu jirka eygu u baahan yahay in uu ku hagaagsado mugga dareeraha jirkiisa ku jira. Sidaa darteed ayaa hagaajinta gudaha jirkiisa wuxuu u kaashadaa hiraan-hir iyo carrab laad-laadin. Waxaa kaloo jira dhogorta jirkiisa ku daboolan oo qudheedu ah qalab, diirimaad ku kordhinaya gudaha jirka eeyada.

Carrabka ay laad-laadinayaan, afkan sida joogtada ah u furan iyo hiraan-hirka uu feeraha ka guuxayo, sida aanu soo xusney waxay sabab u yihiin in halkaas ay maraan mug badan oo hawo ah (O2). Taas oo aanan marteen hadduu carrabku ku sugan yahay halkiisii, afkuna uu xiran yahay feeruhuna ay xasiloon yihiin. Waayo markaasi sanka ayuu ka neefsan lahaa oo waxaa halkaas mari lahaa hawo (O2) ka yar midda uu jirku qaato markuu hiraan-hirayo oo afkiisu u furan yahay.

Hawada badan ee afka eyga martaa, waxay u gudubtaa waddada hannaanka neefsashada (Respiratory System). Waxay markiiba ku yaacdaa xubintii ugu milgaha cusleyd ee hannaankan uu leeyahay, taas oo ah labada sambab. Isla-hawadaas geleysa jirka eyga gudihiisa waxay sii qaboojisaa qeyb kamid ah dunta (tissue) xubnaha ay sii mareyso. Waxaa halkaas ka dhasha is-xoqid hawada iyo biyihii ku jirey dunta jirka. Arintaasi waxay sabab u tahay feero ka-guuxa eeyada. Hawadaas badan waxay ka qeyb-qaadataa hagaajinta kuleylka gudaha ah ee jirka eyga. Arinta dheelli-tirka kuleelka jirka, waxaa kaloo gacan ka geysta in eygu uu marar badan carrabka ku leef-leefo cagahiisa, lugahiisa iyo intii uu carrabkiisa gaari karo ee jirkiisa ah.

Hiraan-hirka iyo carrab laad-laadinta eyga, xataa waxay dhacdaa marka uu taagan yahay ama uu tartiib u socdo. Sidaa darteed, hawadaas badan ee afkiisa mareysa waa mid markasta uu u baahan yahay. Wax dhibaatooyin ah oo ay sambabkiisa gaarsiineyso ma jiraan. Bal sambabku si caadi ah ayuu u gudanayaa howshiisii ahayd isku beddelka labada hawo ee kala ah midda la qaadanayo (O2) iyo midda la soo tufayo (CO2). Sambabka eygu wuxuu awood u leeyahay in uu fuuro markii ay hawadu ku badato, dabadeed uu shiiqo markii ay hawadu is-dhinto. Arin layaab leh ayaa waxay tahay, in eeyadu ay awoodaan in ay kordhiyaan cel-celiska neefsashadooda 300 illaa 400 oo jeer daqiiqaddii. Haddaanu is barbar-dhigno cel-celiska neefsashada aadamiga, marka uu qofku ku sugan yahay xaalad nasiinno waa 18 jeer daiiqaddii. Waxaa halkaas ka muuqata in eeyadu ay daqiiqad walba qaataan hawo ka badan mugga ay dadku daqiiqaddii qaataan 30 illaa 40 jeer. Neefsashada eeyada waxay kor u sii kacdaa markii eygu uu oomo ama uu kordho kuleelka jirkiisa. Dabadeed si deg-deg badan ayay halkeedii ugu soo laabataa. Sidaas ayuu ku gaaraa in uu qaboojiyo jirkiisa isaga oo islamarkaa arinkaa ku hagaajinaya heer-kulka gudaha jirkiisa. Hagaajintaas waxaa dheelli-tir u ah mugga hawo ee uu sido qulqulka hawada dibadda ka imanaysa ee ku yaacaya gudaha jirka eyga. Taas oo u gudbeysa unugyada jirka eyga iyo dunta u dhexeysa.

Waxaa xusid mudan, afka iyo sanka eeyada in ay ku rakiban yihiin hannaan oggolaanaya in ay gudbiyaan mug badan oo ah hawada lagu neefsado. Waxaa arintaas u weheliya is rog-rogga xubnahiisa, gaar ahaan kuwa ka wakiilka ah hannaanka hawo-qaadashada. Waxay gaarsiisan tahay, markuu hawada qaadanayo in uu adeegsado qeyb yar oo kamid ah tamarta ku dheehan murqaha shidaalka siiya sambabka. Wuxuu kaloo awood u leeyahay in uu soo saaro mug hawo ah oo intaa uu qaatey le’eg, isaga oo aanan adeegsan wax tamar ah oo uga yimid murqahaas la shaqeeya sambabka. Haddii xubnaha hannaanka hawo-qaadasho ee eeyadu, aysan lahaan-lahayn nadaamkaas jilicsan ee u sahlaya is rog-rogga markuu neefsanayo waxaa dhici lahayd, kuleylka ka dhasha hawada uu qaadanayo in uu ka badnaan lahaa kuleylka uu jirkiisu dibadda u soo saarayo. Sida aanu soo xusney kuleylka jirkiisa ka soo baxa waa yar-yahay. Wuxuuna soo maraa lugaha hore dhankooda gudaha ah. Marka loo eego noolaleyda kale oo ay heyb-wadaagta yihiin, sida naasaleyda, murqaha la shaqeeya hannaanka neef-qaadashada waxay u baahan yihiin tamar shidaal badan. Tamarta ka dhalatana waa mid qiimo ugu fadhida noolaha iyo jirkiisa.

Waxaa jira sababo dhowr ah oo eeyada ku kordhiya hiraan-hirka. Midda ugu milgaha culus waxay tahay marka uu kordho kulka hawda ku hareereysan. Sabab kale ayaa jirta oo waxay tahay, markii uu haraado. Labadaas sabab oo wada-jira qudhoodu waxay ku keenaan in uu kordho falka hiraan-hirka. Sababaha kale waxay yihiin markuu xanuunsan yahay, markuu daalan yahay, markuu cabsanayo, markii laga farxiyo, markuu raaliga yahay, markuu murugeysan yahay, iyo markuu wal-wal hayo. Dhamaan arimahaas waa kuwo lagu ogaadey baaritaan ay sameeyeen aqoonyahannada u kuur-gala aqoonta lagu magacaabo (Animal Physiology). Gaar ahaan qeybteeda anshaxa xayawaanka (Animal Behaviour). Aqoontan danbe waa mid cusub oo u kuur-galkeedu lagu baraarugey nuskii danbe ee qarnigii tegey. Haddaba goor hore ayuu Eebe (kor ahaaye) inagu baraarujiyay tilmaamahaas eygu leeyahay. Isaga oo isu kaaya bar-bar dhigey liidashada qofka damaaciisu hooseeyo iyo dhaqanka ku abuuran eyga. Qofkaas ayaa wuxuu noqonayaa mid ka hoobta heerkii qiimiga lahaa iyo mudnaantii aadaminimo. Wuxuu ka hoobtaa caleema-saarkii Eebe (kor ahaaye) iyo xushmaddii uu nolosha ku lahaa. Wuxuu lamid noqdaa bahaahimkaas liita ee mar-walba hiraan-hiraya. Bahaahimkaas hooseeya ee wasakhda dhexdeeda luf-lufanaya, kaas oo hadduu nastey iyo hadduu daalan yahay ayan ka maqaneyn nicmadda Eebe siiyay. Bahaahimkaas ay weheliso tilmaanta foosha-xun ee ah hiraan-hir joogto ah iyo carrab laad-laadinaya.

Haddaba aayaddu waxay si dadban inoogu sheegeysaa isu-ekaanshaha ka dhexeeya kuwa damaca liita ee aadamiga ah iyo bahaahimkan eeyada ah. Waa arin la yaab leh in qof aadami ah ay muuqaal-wadaag noqdaan bahal qaabkaas u abuuran. Damacleyda xilli walba iyo meel walba oo ay joogaan waxay leeyihiin tilmaamo ay ka mideysan yihiin, taas oo uu odey ugu ahaa Bilcaam bin Baacuuraa. Eeyaduna ay u yihiin sawir dhiggooda ah. Fahamka guud oo lala amakaago ayaa arintan laga helayaa. Wuxuu yahay, qofka damaca liita wuxuu yeelanayaa ciddiyo uu wax ku boobo, kuwaas oo lamid ah kuwa eeyadu ay ku ugaartaan. Wuxuu yeelanayaa ilko iyo gowso uu xaaraanta ku ruugo, kuwaas oo lamid ah kuwa eeyadu ku calaliyaan wasakh kasta oo afkooda gaara. Wuxuu yeelanayaa calool xaaraanta weeleysa oo lamid ah caloosha ay eeyadu ku shiidaan hilbaha ceyriinka ah iyo miidda calooshooda ku qubata. Wuxuu yeelanayaa arag gaaban ee uusan ku kala sooci karin midabyada dhacdooyinka hortiisa yimaada, kuwaas oo lamid ah aragga eeyada ee aanan kala sooci karin midabyada walxaha u muuqda.

Waxaa iyana yaab leh, aragga liita ee qofka damaaciga ah oo uu eeyada la wadaago, waxaa u buuxiya maqalka iyo urinta xooggan oo uu ku ugaarsado sida eeyada. Meel dadka kale ayan wax ka maqlin ama ka urin ayuu wax ka maqlaa oo wax ka uriyaa. Waa qof u nool boholyow xooggan ee uu u qabo xaaraan ku-naaxid iyo maalin ku-taajirid. Wuxuu ka ugaarsadaa meel dhow iyo meel fog, meel hooseysa iyo meel sareysa. Falkaasi ayuu wuxuu ku qaboojiyo dabka damaca ah ee gudaha korkiisa ka huraya. Isaga oo weliba weheliso fuleynimada ay eeyadu ku caanka yihiin. Tix waano ahayd oo uu lahaa Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa jirtey. Janno iyo raxmad Allaha ka waraabiyee, isaga oo ka hadlaya damacleyda wuxuu yiri:

Waa cad leysku uumoo hawada looma caal helo’e

Hadba meel aan cidi gaarin bey calanka saartaaye

Calaha tii u dheer bey ninkaan celin ka tuurtaaye

Naftuna caasi weeyiyo sidii cadowga sheydaane

Intey caaq sidiis kaa dhigtey kugu cayaartaaye

Markey taladu kula caarido baa la caqliyeystaaye  (Cismaan Yuusuf Keenadiid)

Qore: Dr. Saadiq Enow

saadiq.enow@gmail.com

One comment on “DAMACII LIITEY Dr Saadiq Eenow

  1. Masha allh Saadiq sifcan baad uga hadashay oo cilmiyaysan damaca xun , Ilahayow waxan kaa magan galnay tilmaamaha noocaas oo kale ah wallahay waa Tilmamo aan u suuban Qof muslima.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,781 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>