Dhaqdhaqaaq ciidan iyo xiisad dagaal oo laga dareemayo Deegaanka Ufurow iyo Diinsoor

April 10, 2012 - Written by

Baydhabo:Wararka saaka naga soo gaaraya degaano ka tirsan gobalka Bay ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan iyo xaalada dagaal laga dareemayo deegaanka Ufurow iyo Degmada Diisoor. Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa waxaa wada ciidanka Al-shabaab oo gurmad uu u yimid Degmada Diisoor iyo ciidamada Itoobiya oo ku sugan duleedka Ufurow.

Ciidanka Al-Shabaab ayaa ku jira diyaargarow culus iyaga oo isku diyaarinaya in ay difaacdaan Degmada Diinsoor oo ah Degmo Istaraatiiji ah waxaana ay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan iyaga oo qotay dhufeysyo adag. Ciidanka DFKM  iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobolka Bay gaar ahaan duleedka Ufurow ayaa saaka xagooda ka wada dhaqdhaqaaq ciidan ay ku doonayaan in ay qabsa daan deegaano ka tirsan gobolka Bay oo ay wili gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab.

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho oo xiriiro kala duwan la sameeyey darawalada ku safra inta u dhexeysa Baydhabo iyo Diinsoor ayaa waxaa loo xaqiijiyey in xiisad dagaal ay ka jirto deegaanka Ufurow iyo Degmada Diinsoor wakhti walbana uu dagaal qarxi karo.

Degmada Diinsoor ayaa waxay isku xirtaa gobolka Shabeellada hoose iyo gobolka Gedo,waxaana ay doonayaan ciidamada Itoobi ya in furin ay kaga furaan Degmada Baardheeere oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Al-shabaab oo ay ciidamada dalkja Kenya isku dayeen dhowr mar in ay qabsadaan balse ay ku fashilmeen.

Sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay la socdaan duulaanka ciidamada Itoobiya ayna iska celin doonaan guushana ay ku danbeyn doonto dadka muslinka ah ee dalkooda lagu soo duulay.

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online