Iska horimaad dhexmaray ilaalada Tarsan iyo gudoomiyaha Degmada C/casiis

April 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Iska horimaad ayaa waxaa uu Degnmada C/casiis ee gobalka Banaadir ku dhexmaray ilaalada gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo gudoomiyaha Degmada C/casiis iska horimaadka ayaa waxaa uu bilaawday markii muran uu soo kala dhexgalay Taran iyo Gudoomiyaha Degmada C/casiis .

Iska horimaadka ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 5 qof oo isugu jira ilaalada labada Gudoomiye iyo dad rayid ah oo banaanbax dhigayey kuwaas oo diidanaa in xilka laga qaado Gudoomiyaha Degmada C/casiis  Yuusuf Cali Xasan

Degmada C/casiis ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax rabshada wata oo looga soo horjeedo gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan .

Guddoomiyaha degmada C/casiis Yuusuf Cali Xasan ayaa waxaa lagu eedeeyey musuq-maasuq waxaana cabasho ka soo gudbiyey qaar ka mid ah golaha Degmada C/casiis.

Guddoomiyaha degmada C/casiis ayaa iska horimaadka ka dib waxaa uu shirja,raaid ku qabtay xarunta Degmada C/casiiis waxaana  uu sheegay in saaka ay duulaan ku soo qaadeen ciidamo uu wato Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Maxamuud Axmed Nuur Tarsan .

Gudoomiyaha gobalka Banaadir  Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaan ka hadli ilaa haatan iska horimaadka dhexmaray ciidamado ilaalo u ah iyo kuwa Gudoomiyaha Degmada C/casiis.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online