Ku xigeenka Ergayga Midowga Afirka Wafula Wamunyinyi oo shirjaraa,id ku qabtay Muqdisho

April 26, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ku xigeenka Ergayga Midowga Afirka ee Arrimaha Somalia Wafula Wamunyinyi  ayaa maanta  shirjaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in ciidamada AMISOM la geyndoono magaalooyinka Baydhabo ee xarunta gobalka Bay  iyo magaalada B/weyne.

Wafula Wamunyinyi  ayaa saxaafada sidoo kale u sheegay in saldhigayada magaalada Muqdisho la geyn doono ciidamo boolis ah oo ka tirsan ciidanka AMISOM  .Ku xigeenka Ergayga Midowga Afirka ee Arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu warbaahinta kula hadlay xarunta Xalane oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada AMISOM

Wafula Wamunyinyi  ayaa waxaa uu ugu baaqay madaxada DFKM in ay la shaqeeyaan ciidamada AMISOM ayna carqaladeyn si looga gudbo ayuu yiri xaalada adeg oo ay ku jirto Soomaaliya.

Wafula Wamunyinyi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay soo gaari doonaan ciidamo boolis ah oo ka kala socda wadamada Uganda iyo Nigeria  waxaana goobta ku sugnaa taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Jen Andrew Gutti wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu xilka maanta la wareego.

Taliyihii hore ee AMISOM Jen. Fred Mugisha oo ah taliyaha hore ee AMISOM ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan howlgalada ciidamada AMISOM wuxuuna sheegay in ay dhamaadeen howlgaldii AMISOM wajigeedii koowaad lana gali doono wajiga labaad wuxuuna ku faanay in ay u gudbi doonaan gobalada dalka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online