Kulan lacag loogu uruurinayey Macadka Imaamu Shaafici ee Magaalada Godey

April 2, 2012 - Written by

Nairobi:-Kulan tabarucaad loogu aruurinayey Machad diini ah oo laga furayo magaalada Goday ee Soomaali Galbeed ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya , kulankaan ayaa waxaa ka qayb galay dad weyne iyo  waxgarad kale duwan oo iyagu tabarucaad u samaynayey Macadka Imaamu Shaafici ee laga aasaasay Magaalada Godey.

Haddaba waxaa  lagu wargelinayaa bulshada Soomaaliyeed dhamaantood iyo weliba gaar ahaan jaaliyaadka Soomaaliyeed  ee ka soo jeeda Soomaali galbeed in ay ka qayb qaataan horumarinta iyo dhismaha Machadka Imaamu Shaafici ee laga yagleelay magaalada Godey  wixii faahfaahin ah kala xiriir masuuliyiinta Machadka Imaamu Shaafici ee magacyadoodu ay ku xusan yihiin hoos.

Masuuliyiinta iyo Majliska ugu sareeya ee Machadka Imaamu Shaafici

1- Sheekh Maxamuud  Shible oo ah  masuulka guud

2- Sheekh Cabdiraxmaan Qayliye

3-Sheekh  Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullahi Cumar

4- Sheekh Cabdiraxiim Abu Caynan

5- Sheekh Cabdirashiid Zayid

6- Sheekh Cabdiraxmaan Wardheere

7- Sheekh Aadan Axmed Ibraahiim

8- Sheekh  Xassan Ibraahim Abuxassan

9- Maxamuud Sheekh Xassan Abu Dalxa

Hoos ka Daawo Video  Kulankii Lacagta loogu Uruurinayay Macadka Imaamu Shaafici ee Magaalada Godey

Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Bismililah, ilahay haka ajir siyoo culimaada, runti wa suu sheegay sheekhi labaad oo Hadlay, gobolka culimoo badaan baa Kaa soojeedo Lakin waa in dacwada lagu faafifa, culimaada Waxan lenehay bal halatago mar dulki isbatadal weyn baa soo socdo insha Allah khaasatan dinaca dacwada, marka Waxaan leenahay bishareysta dadka Somali galbeed, sabirkiini iyo iimaanki xooga badnaa ilahay wu idinka abaalmarin, islamakana wad uu sheeqeeysen oo diigina uu hurten ilahay haidinka abaal mariyoo. Wasalamu caleeykuum

  2. Maan shaa allah culimadu waa ay dadaaleen illah miisaankooda xasanaadka ha ugu daro.

    dadka muslimiinta ah na waxaa laga rabaa inay taageeraan barnaamijkaa

Leave a comment

*