Madaxweynaha DFKM oo ka hadlay Xaalada kala guurka iyo Dustuurka DFKM

April 24, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadalay arimo dhowr ah oo xasaasi ah kuwaas oo ay ka mid yihiin soo xulida xildhibaanada Baarlamaanka DFKM,Dastuurka qaybyo qoraalka  ah sida loo ansaxin doono Siyaasiyiin aan ka tirsaneyn DFKM oo carqalad wada iyo arimo kale .

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa sheegay  in xildhibaanada baarlamaanka DFKM ay badankood ogolyihiin in laga gudbo marxaladda kala guurka balse ay jiraan kuwa ka soo horjeeda in laga baxo xaalada ku meelgaarka ah kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwa aan horumar la rabin shacabka Soomaaliyeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uusan aqoon ujeedada ka danbeysa qaar ka mid ah xildhibaanada iyo siyaasiyiin  kale oo aan dooneyn in la gudbo marxalada kala guurka wuxuuna xusay in uu soo dhaweynayo cid kasta oo isku soo taageysa madaxtinimda dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay  khilaafkaad Baarlamaanka iyo arrinta Dastuurka xili uu khudbad ka jeedinayey shalay munaasabad lagu xusaayey sanadkii guuradii 52-aad ee kasoo wareegtay aas-aaskii Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in ay ku dadaaleen xalka gaarista khilaafaadka Baarlamaanka DFKM mudo badan wuxuuna si cad u sheegay in aysan aqbali doonin  Baarlamaan labo Guddoomiye leh .wuxuuna yiri“Arrinta Baarlamanaka wax badan ayaan ku dadaalnay in aan dhamaysno khilaafka wakhti badan ayaa nooga baxay laakiin waan ku guuldaraysanay ilaa iyo hadda, waxaan leenahay midooba taasi oo aan hadda muuqan,wuxuuna sii raaciyey madaxweynaha DFKM Xagee lagu arkay adduunka Baarlamaanka labo Guddoomiye leh, ”.

Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay dastuurka qabyada ah ee dhowaan la ansixin doono wuxuuna sheegay in ay jiraan qodobo uu isaga xitaa dhaliilsan yahay, hase yeeshee loo gudbin doono 825-ergada ansixinaysa Datuurka .wuxuuna yiri “Dastuurka waxaa ku jira qodobo aan xitaa aniga kasoo horjeedo, laakiin 825-ergada iyaga ma juhulaa waa maya kuwaasi ayaa lagala tashanaa wixii qalad loo arkana ka saaraayaa”,

 Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan DFKM ayaa sheegay in ay dhaliilsan yihiin qaabka loo soo xulayo xildhibaanada iyo Road-Mapka DFKM ayaa waxaa wakhtigeeda uu ku egyahay bisha 8aad ee 2012.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online