Madaxweyne Shariif Sheekh oo magacaabay gudi wada hadal la furi doona Maamulka S/land

April 14, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa maanta magacaabay guddi heer wasiiro ah oo wada hadal la furaya Maamulka Somaliland waxaana gudoomiye looga dhigay  Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee C/samad Macalin Maxamuud waxaana uu madaxweynaha u dhoofay intaas ka dib dalka itoobiya.

Gudiga wadahadalka la gali doona Maamulka S/land ayaa waxaa ka mid ah  Wasiirka arrimaha dibadda ee DFKM C/laahi Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda , Wasiirka howlaha guud guryeyenta waxaana ay la shaqeyn doonaan wasiirka arimaha gudaha ee DFKM gudiga ayaa ka koobnaan doona ilaa 7 xubnood .

Wasiiro dowladaha arrimaha dibadda oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha DFKM u raacay dalka Itoobiya ayaa sheegay in DFKM ay fulinayso qodobadii ka soo baxay shirkii London kaas oo qodobkiisa lixaad uu ahaa in ay wadahadal la  furaan Maamulka S/land.

Madaxweynaha DFKM ayaa haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaas oo uu uga qeyb gali doono shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asc.
    Waa la sheegay in la wada hadli doono Insha Allaah,laakiin wali lama sheegin meesha lagu shiri doono iyo halka laga bilaab doono wada xaajookaas.
    Waayeel75

Leave a comment

*