Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo Magacaabay ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada AMISOM

April 11, 2012 - Written by

Nairobi:-Madaxweynaha dalka Mwai Kibaki ayaa maanta waxaa uu mgacaabay ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada AMISOM waxaana uu u magacaabay  Major General S. N. Karanya. Magacaabista sarkaalka u dhashay dalka Kenya ayaa ku soo aaday xili ay ciidamada Kenya ay sheegeen in ay ku biireen kuwa AMISOM.

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in dowladiisa ay qeyb weyn ka qaadan doonto howlagalada ay wadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM si meesha looga saaro ayuu yiri ciidamada Al-Shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda ciidamada AMISOM ee ka kala yimid wadamada Kenya ,Ugandha ,Burundi iyo Jabuuti.

Ciidamada Kenya ayaa haatan ku sugan qeybo ka mid ah gobalada Gedo iyo J/hoose ayaa soo galay gudaha dalka Soomaaliya bishii Oktobar ee sanadkii hore ee la soo dhaafay waxayna si rasmi ah u sheegeen in ay ku biireen ciidamada AMISOM bishan April 2012.

Ciidamada Kenya ayaa ku fashilmay in ay qabsadaan deegaano muhiim ah oo ay horey u sheegeen in qabsan doonaan waxaana ka mid ah deegaanadaas Degmada AFmadow iyo Degmada Baardheere waxaana weeraro joogto ah ku haya ciidamada al-Shabaab oo xalay oo u danbeysay ku weeraray inta u dhexeysa Badhaadhe iyo Kulbiyow.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online