Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay madax ka tirsan Al-shabaab oo soo galay Buuraha Golis(Dhageyso)

April 10, 2012 - Written by

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in Saraakiisha Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay ka soo galeen deegaano ka tirsan Puntland ayna ka soo galeen dhinaca Badda iyo Bariga mar uu caawa wareysi siiyey Idaacada BBC-da.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in al-Shabaab ay bilaabeen in ay soo galaan deegaanada Puntland bishii Agoosto ee sanad kii la soo dhaafay ka dib markii ay ciidamada Itoobiya ay qabsadeen qeybo ka tirsan gobalada Bay iyo Bakool iyo qeybo ka mid ah gobalka Gal-gaduud

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay ka war hayaan in qaar ka mid ah saraakiisha iyo madaxada Al-Shabaab ay soo galeen Buuraha Golis si ay gacan saar ula yeeshaan Ururka Al-Qacida ee ka howlgala gacanka Cadan.Mr.Faroole ayaa sheegay in ay ka soo galaan xeebta Laas-Qoray iyo dhulka inta u dhexeysa S/land iyo dhanka Itoobiya.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay ku xigeenka Amniyaadka Ururka Al-Shabaab lagu arkay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayna waayeen cid gacan ku siisa qabashadiisa wuxuuna sheegay in dowlada Puntland ay iska difaaci doonaa weerar kasta oo kaga yimaada Al-shabaab.

Maalmahan oo dhan ayaa hadal heynta ugu badan ee shacabka Puntland ayaa waxay ahayd in madax iyo ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay soo galeen Buuraha Golis waloow ilaa haatan aan si rasmi ah loo xaqiijin karin saraakiisha iyo madaxada Al-shabaab ee soo galay Deegaanada Puntland gaar ahaan Buuraha Galgala .

Hoos Ka Dhageyso wareysiga madaxweynaha Puntland ee BBC-da.
[audio:http://k004.kiwi6.com/hotlink/qasoah0ngb/faroole_bbc.mp3]

Cabdicasiis Maxamed
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. wuxuu rabaa beentaas in dadka ku cabsi galyo si uu waqtiga ugu kordhisto waa hadal siyaasadeesan.

Leave a comment

*