Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay madax ka tirsan Al-shabaab oo soo galay Buuraha Golis(Dhageyso)

April 10, 2012 - Written by

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in Saraakiisha Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay ka soo galeen deegaano ka tirsan Puntland ayna ka soo galeen dhinaca Badda iyo Bariga mar uu caawa wareysi siiyey Idaacada BBC-da.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in al-Shabaab ay bilaabeen in ay soo galaan deegaanada Puntland bishii Agoosto ee sanad kii la soo dhaafay ka dib markii ay ciidamada Itoobiya ay qabsadeen qeybo ka tirsan gobalada Bay iyo Bakool iyo qeybo ka mid ah gobalka Gal-gaduud

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay ka war hayaan in qaar ka mid ah saraakiisha iyo madaxada Al-Shabaab ay soo galeen Buuraha Golis si ay gacan saar ula yeeshaan Ururka Al-Qacida ee ka howlgala gacanka Cadan.Mr.Faroole ayaa sheegay in ay ka soo galaan xeebta Laas-Qoray iyo dhulka inta u dhexeysa S/land iyo dhanka Itoobiya.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay ku xigeenka Amniyaadka Ururka Al-Shabaab lagu arkay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayna waayeen cid gacan ku siisa qabashadiisa wuxuuna sheegay in dowlada Puntland ay iska difaaci doonaa weerar kasta oo kaga yimaada Al-shabaab.

Maalmahan oo dhan ayaa hadal heynta ugu badan ee shacabka Puntland ayaa waxay ahayd in madax iyo ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay soo galeen Buuraha Golis waloow ilaa haatan aan si rasmi ah loo xaqiijin karin saraakiisha iyo madaxada Al-shabaab ee soo galay Deegaanada Puntland gaar ahaan Buuraha Galgala .

Hoos Ka Dhageyso wareysiga madaxweynaha Puntland ee BBC-da.
[audio:http://k004.kiwi6.com/hotlink/qasoah0ngb/faroole_bbc.mp3]

Cabdicasiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online