Madaxweynaha Puntland oo tacsi u diray eheladii Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji (Dhageyso)

April 9, 2012 - Written by

Garoowe:-Madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa tacsi u  direy eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi oo xalay ku geeriyoodey magaalada Al-ceyn ee dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu tacsi u dirayo dhamaan eheladii uu ka dhintay Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi iyo dhamaan shacabka reer Puntland. Mr.Faroole ayaa sheegay in uu aqoon dheer u lahaa beeldaajaha wuxuuna ku tilmaamay beeldaaje halyey ah nabad jecel ,qeyb weyna ka qaatay xalinta mashaakilaadka dhexmara beelaha wada dega deegaanada Puntland .

Dhamaan Issimada ,Boqorada iyo odayaasha Puntland ayaa ka  tacsiyeeyey geerida ku timid Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi waxaana ay alle uga baryeen in janadii fardoowsa uu ka waraabiyo Aaamiin.
[audio:http://k004.kiwi6.com/hotlink/p278u02m28/faroole.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,852 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>