Madaxweynaha Soomaaliland oo magacaabay gudi wadahadal la gali doona DFKM

April 8, 2012 - Written by

Hargeysa:-Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa maanata waxaa uu si rasmi ah u magacaabay  guddi ka kooban 5-xubnood oo wasiiro ah  kuwaasi oo wada hadal la gala DFKM taas oo uu madax ka yahay Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed .

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa magacaabay Gudigan ka dib markii ay dowladiisa ka soo qeyb gashay shirkii wadatshiga Soomaaliya ee dhawaan lagu qabtay  magaalada London ee Britain oo ay marti galisay dawladda Britain.

War-saxaafaddeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynah Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ayaa waxaa lagu sheegay magacyada wasiirda wadahadalka la gali doona dowlada TFG waxayna kala yihiin wasiiradaas.

1. Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Caabdullaahi Cumar

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)

3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade

4. Wasiirka Cadaallada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid

5. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Madaxweynah Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ayaa waxaa lagu xusay in wadahadlka uu ka furmi doono magaalada London waloow aan la sheegin wakhtiga uu bilaabanayo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online