Madaxweyne Shariif oo kulan la qaatay saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwa DFKM

April 9, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa maanta mar kale kulan la qaatay saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM kuwaas oo howlgalo ka wada magaalada Muqdisho .Madaxweynaha DFKM ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo amaanka guud ee magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaan dilal qorsheysan oo ay ka fuliyaan Ururka al-Shabaab.

Madaxweynaha DFKM Shariif Sh ahmed ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Raisulwasaaraha DFKM Cabdiweli Maxamed Gaas ,wasiirka G/dhiga Xuseen Carab Ciise,wasiirka arimaha gudaha  Wasaaradda Arrimaha gudaha ,Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Tarsan iyo saraakiil sare oo ka tirsan DFKM iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha DFKM ayaa markii uu soo idlaaday kulanka ka dib la hadlay saxaafada ayaa sheegay  in u jeedada kulanka uu ahaa in la dhameystiro howgalada lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM

Saraakiisha ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa ku fashilay laba mar oo ay duulaan ku qaadeen Degmada Dayniile ee gobalka Banaadir halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Ururka Al-Shabaab .

Ciidanka al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku haya xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM waxaaana ay khaarajiyeen rag ay ku sheegeen in ay ka tirsan yihiin ciidamada nabad sugida ee DFKM.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online