Meydka AHN Beeldaaje Faarax oo goor dhow Boosaaso laga soo dajiyey

April 11, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa goor dhowr magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari la soo gaarsiiyey meydka AHN Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdilaahi oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Al-ceyn ee dalka isku taga Imaaraadka Carabta..

Dadweyne aad u tiro badan ,Isimo, mas’uuliyiin ka tirsanPuntland,Culimaadiin, eheladiisa iyo bahda Saxaafadda ayaa haatan ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Meydka AHN Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdilaahi Meydka Beeldaajaha  ayaa la filayaa in salaadda duhurka ka dib lagu aaso magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari .

Amaanka magaalada Boosaaso iyo Garoonka Diyaaradaha ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana soo buuxdhaafiyey ciidamada Booliska iyo kuwa Daraawiishta ee Puntland iyaga oo sugaya amaanka .

Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdilaahi ayaa waxaa uu ka mid ahaa Isimada sida weyn looga tixgaliyo deegaanada Puntland wuxuuna caan ku ahaa nabad jecayl iyo daacad nimo waxaaan alle uga baryeynaa in uu janadii ka waraabiyo ehelkiisana uu samar iyo iimaan ka siiyo aaaaaaaamiin.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,780 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>