Munshidkii Qaadi Jiray Anaashiida Jihaadka Muxsin Al-Dowsarii oo noqday Fanaan.

April 21, 2012 - Written by

Riyaad:-Waxaa ugu mahad celineynaa Rabigii Nagu sugay diintiisa Islaamka naf walba waxaa waajib ku ah in ay alle barido si uu ugu sugo Islaamka macaan iyo Akhlaaqda wanaagsan ee uu nabaray Nabigeenii Maxamed Nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.

Waxaan aad uga naxay mar aan maanta isha mariyey warbaahinta caalamka gaar ahaan tan wadamada carabta waxaa ay isheyda qabatay laba ka mid ah Munshidiintii qaadi jiray alifi jirayna Anaashiida Islaamiga gaar ahaan tan Jihaadiga ah kuwaas oo noqday Fanaanii heesa iyaga oo sameystay koox durbaaka ka daba tunta.

Labada Munshid ayaa kala ah Muxsin Al-Dowsarii (Abu Cabdi Melik) iyo Maxamed Qaxdhaani .mar ay warbaahinta wareysi ka qaaday Munshidkii weynee ee lahaa Anaashiida xamaasiga ee Jihaadiga iyo kuwa badan oo Suhdi ah ayaa wuxuu ku faanay in xaalada uu jiro ay tahay mid ka fiican tii hore wuxuuna sameystay koox la dhahó Madwi.

Waxaan walaalahay soomaalida kula dardaarmayaa in ay alle isku xiraan kuna dhagaan sunada Nabiga iyaga oo cilmiga ka baranaya Culumada Jahliga wuxuu kugu hagayaa wado baadi ah.qofwalboo u baq aakhiradaada.

Muxsin Al-Dowsarii oo qaaadaya anaashiid Jihaad iyo Suhdi ah hoos ka daawo

A/Cawale
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. innaa lilaah wa inaa ileyhi raajucuun
    shaydaan ayaa ka awood badiyey ilaah ayan sheydaan kamagangalnay ilaahow nahanuuni intaan hanuunsanayn na soo hanuuni ilaahow noonaxariiso in tii muslimha

  2. wax lala yabo maaha awalba heeso durbaan la,aana buu tumi jiray haddana durbaan buu ku daray, laakiin dhibato ku tahay ku Anaashiidda Qu,aanka ku balashay ee ay agtooda muhiimadda ka lahaayeen, Shabab baa dhibka ugu wayni kasoo gaarayaa ninkan waxa ku dhacay, sideese yeeli doonaan anaashiiddiisa dhalinyarada lagu dagaal galiyo.

  3. asc dhamaan .awalba wuxuu ahaa fanaan dadka ayuu waalayey.shabaabna waxa waalay fanaankan heheheh

  4. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUU, ILAAHOW DIINTAADA NAGU SUG, OO QALBIGA NOO HAGAAJI WAAYO QALBIGAYAGU LABO FAROOD OO FARAHAAGA KAMIDA AYUU KU DHEXJIRAA OO SIDAAD DOONTO AYAAD U GAD GADISAAN.ILAAHOW AWOOD IYO XEELAD MALIHINE NAXARIISTAADA IYO FADLIGAAGA NAGU BADBAADI KOLAY ANIGU KUWA DADKA UGU DAACADA YAR AYAAN KA MID AHAYE, ALLAAHUMA AAMIIN.

Leave a comment

*