Nadwadii ka socotay Masjidka Al-Rowada ee Boosaaso oo gashay habeenkii 3aad(warbixin)

April 21, 2012 - Written by

Boosaaso:-Nadwo cilmiyeedka tobnaad ee ka soctay Masjidka Al rowda ee Magaalada Bosaaso ayaa gashay caawa Habeenkii sadexaad  waxaana darsiga sadexaad caawa soo jeediyay Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ka hadlay Mowduuc cinwaankiisu yahay ( Jihaadka Aragtida Ahlu Suna Wal jamaaca _ الجهاد عند أهل السنة و الجماعة )  Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu darsiga u kala qeybiyay dhor qeybdood wuxuuna xusay in Arimaha Diintu ay yihiin kuwo kala horeeya loona baahan yahay sida ay u kala horeeyaan in  loo kala hor mariyo.

Sheekh Daahir waxa uu intaa kadib tilmaamay in Jihaadu uu heerar ama marxalado soo maray arimahaana loo baahan yahay in laga faa’iideysto wuxuna Sheekhu tilmaamay dhinaca kale in Jihaadku soo maray afar marxaladood – tan koowaad oo ah Xiligii Nabiga ee uu Dacwada waday oo qaadatay ilaa 13 sanadood wuxuna Sheekhu xusay in marxaladaasi ay ahayd marxalad aad u dhib badan dadka Muslimka ah  ee Diinta soo galayayna ay dhibaatooyin kala duwan la soo kulmeen, sidaa oo kale Nabiga SCW uu dhibaatooyin badan la soo kulmay.

Dhibaatooyinka dadka muslimka ahi ay kala kulmayeen Gaaladii Qureysheed , waxaanu Sheekh Daahir carabaabay in Marxaladasi ay ahayd marxalad dadka uusan Nabigu u wada fasixin in ay si toos ah ula dagaalaman marxalada kalena ay ahayd in gaalada si toos ah loola dagaalamo , tan xigtaana ay ahayd in gaalada si toos ah dinta loogu bandhigo hadii ay diidana xoog loo adeegsado, marxalada afaraadna ay kuwaas hoos imanaysay.

 

Sheekhu waxa uu Sheegay in Jihaadu uu yahay shan qeybood kan ugu horeeyaana uu yahay Jihaadka nafta oo lagula dagaalamo in laga celiyo xumaanta laguna hogaamiyo taqwada Alle iyo Cibaadada suuban, ayna ku xigto in Gaalada Jihaad lala galo taasina ay tahay mida ugu weyn, sidaa oo kale qodobka kalena uu yahay in dadka lagula jihaado u sixida Manhajka taasi oo aan ahayn dagaal gacan ah balse ay tahay dagaal af , Sheekh Daahir waxa uu intaa kadib hadalkiisa uga gudbay in dul taagidda qeybaha kale oo u aad ugu dheeraaday, wuxuna mar kale dulmar ku sameeyay qeybta shanta ah ee Jihaadka oo kala ahaa -1- Jihaadka Nafta – 2- Jihaadka Sheydaanka – 3- Jihaadka Gaalada – 4- Jihaadka Munaafiqiinta -5- jihaadka Mubtadicada ama dadka bidcada wada ama faafiya.

Sheekh Daahir Aw Cabdi intaa kadib waxa uu ku dheeraday ka hadlidda qeybyaha Jihaadka iyo sida ay u kala horeeyaan iyo faracyada ay sii yeelanayaan kadib Sheekhu waxa uu halkaa ku bayaamiya Aayaad ka mid ah Kitaabka Alle  oo ka hadlaya Jihaadka , sida oo kale waxa uu soo qaatay Axaadiis ka sugnaatay Nabiga CSW oo ka hadlay Jihaadka.

Intaa kadib Sheekh Daahir waxa uu u galay ka hadlida qeybaha jihaadka oo uu qodob qodob u kor itaagay, wuxuuna xusay in waxa loo baahan yahay ay tahay in dadku ay ogaadaan bartaana dhinaca kale qeybaha Jihaadka iyo sida uu u kala horeeyo  balse aysan suura gal ahayn in hal dhinac wax laga eego ma hal qodob Jihaadka ooo dhan lagu soo kobo.

Sheekhu waxa uu dhinaca kale ka digay in qaab khaldan loo isticmaalo micnaha Jihaadka ayna haboon tahay in la cadeeyo hadafka loo dagaalamayo ama raayada la raacayo, wuxuuna dhinaca kale tilmaamay in Jihaadka waxyaabaha laga doonayaa ay ka mid tahay in la helo Hogaan ama Imaam lagu daba fiylo.

Sheekhu waxa uu sidaa oo kale xusay in dadka marka ay Jihaadka galayaan ay noqdaan kuwo kala nidaamsan ogolada amarka Imamka ama hogaamiya goobta ayna Alle tala saartaan lana yimaadaan Cibaado iyo Alle bari badan si cadowgooda Alle guusha uga siyo ayna ugu gacan sareeyaan Shahadadooda aqbalo

Intaa kadib Sheekhu waxa uu u galay ka hadlidda habka loola macaamilayo dadka Dagaalka lagu qabto ama dhanka kale qaab dagaalka ka baxsan loo qabo dintuna arintaa ay Diintu u dajisay shuruudo, Sheekhu waxa uu xusay in ay mudan tahay in dib loogu noqdo Siiradii Nabiga SCW iyo qaabkii uu u dagaal gali jiray.

Sheekhu waxa uu dhinaca kale tilmaamay in micnaha ugu weyn ee Jihaadku ay tahay in Diinta Alle sare loogu qaado lagagana ilaaliyo dadka gaalada ah ayna tahay taasi mid taagnaaneysa ilaa maalinta qimaayo, ahdaaftiisuna ay ka mid tahay u gar gaaridda Dadka dhibaateysan ee ku dhaqan dhulalka gaalada ee Muslimka ah .

Sheekhu waxa uu intaa kadib ku soo gunaanaday qodobo dhowr ah oo la xidhiidha micnaha iyo ahdaafta jihaadka waxanu dhinaca kale tilmamay in wax walba oo la sameynayaa ay haboontahay in marka hore loo eego waxa ay diintu ka qabto sidaa oo kalena ay wax walbaa u baahan yihiin kaadsiinyo si aan si sahal ah loogu xalaashan dhiiga dadka Muslimka ah , wuxuuna xusay in mudooyinkan dambe ay soo banbaxday in dadka la isla laayo iyadoo loo sheeganayo in jihaad lagu jiro ,waxaa uu Sheekh Daahir tilmaamay in dadka Muslimka ahi hadii ay dhexdooda dagaalamaani ay tahay fidno arintaana aaan lagu tilmaami kareyn Jihaad

Intaa kadib waxa ay Culimadu ka jawaabtay Su’aalo Fatawi ahaa oo ay soo weydiiyeen dadku Culimada kuwaas oo meelo badan taabanayay waxaana si wada jir ah su’aalaha uga wada jawaabay Culimada kala ah

1-      Sheekh Axmed Daahir Xasan

2-      Sheekh Maxamed Macalin Axmed

3-      Sheekh Cabdiqani Qorane Maxamed

Nadwada ayaa waxaa si toos ah u tabinayay Idaacadaha Daljir Iyo Idaacada Quraanka Kariimka ah ee Al Xikma xarumaheeda kala duwan iyadoo si toos ah loogala socday magaalooyin gaadhaya 15 Magaalada oo ay ka mid ahaayeen Gaalkacyo Qardho iyo Bosaaso laf ahanteeda , sidaa oo kale waxa ay dadku si toos ah u soo wacayeen Tilfoon masjidka lagu xidhay oo ay si toos ah uga dhageysan kareen Nawada oo maqal toos ah , dhanka TV-yada Satellite ka ee Soomaalida waxaa joogay tabinteeda ka qeyb qaatay TV-ga SomaliSat iyo S24(Royal TV) ,sidaa oo kale dhanka Website-yada waxaa wada joogay Raxanreeb , Horseed Media , Somalimirror iyo Halgan net.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online