Nin lagu eedeeyey in uu 9-caruur ah soo xaday oo lagu xukumay 12-sano oo xarig ah

April 15, 2012 - Written by

Boosaaso:-Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa saaka waxaa la keenay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ku eedeysan yahay in uu soo kaxaystay caruur gaaraysa ilaa 9 caruur ah oo uu soo xaday si uu uga ganacsado una geeyo dalka soomaaliya dibadiisa , caruurta nin kaan lagu qabtay ayaa waxaa ay da’doodu u dhexeysaa  8 jir ilaa 15 jir.

Ninka la horkeenay Maxkamada darajada 1aad ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cumar Liibaan
da’diisuna ay tahay ilaa 40 jir, Xeer Ilaaliya Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Bari Bashiir Ismaacil Hoobaley  ayaa ku eedeeyey
Ibraahim Cumar in uu ciyaalkan soo xaday uuna doonayey in uu si tahriib ah ku geliyo dalka Sacuudiga si uu uga ganacsado.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamada darajada 1aad ayaa xusay in baaritaan ka dib ay ogaadeen in caruurtaan laga soo xaday tuulada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelada Hoose, Xeer ilaaliyaha Maxkamada  Bashiir Ismail ayaa codsaday in 25 sanno oo xariga ah iyo 5000 oo dollar uu bixiyo eedeysanaha.

Eedeysane Ibraahim Cumar Liibaan oo loo ogolaaday in uu is difaaco lana hadlo saxaafada ayaa sheegay in caruurtaan uusan soo xadin uuna ka war hellay in ciidanka Booliska ay ka soo kaxaysteen guriga ilma isaga oo magaalada ku maqan ka dibna uu isagu u yimid ciidanka  amaanka ka dibna uu codsaday in dib loogu celiyo meeshii uu ka yimid isagana uu ilmaha soo kaxaystay ilmihiisana yihiin.

Guddoomiyaha maxkamada darajada 1aad Sh. Aadan Aw-Axmed ayaa waxaa uu sheegay markii uu dhagaystay dacwada ay Maxkamadu darajada 1aad ay ku riday 12 sanno oo xariga ah  eedeysane Ibraahim Cumar Liibaan ,Hay’ada Islaamiga ah ee Tadaamun kana howl gashay degaanada dalka Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay daryeeli doonto Caruurtaan ilaa inta laga hellayo ciddii dhashay ilmahaan

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online