Qarax lagu khaarajin lahaa Ra’iisulwasaaraha DFKM oo ka dhacay National Theatre

April 4, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisulwasaaraha DFKM Dr C/Weli Maxamed Cali Gaas oo ayaa maanta waxaa uu si dirqi ah uga badbaaday qarax lagu khaarajin lahaa qaraxaas oo ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaalada halkaas oo ay ka socotay munaasabad lagu maamuusaayey 28 guuradii ka soo wareegtay asaaskii idaacadda iyo TV-ga qaranka Soomaaliyeed STN.

Qaraxa ayaa waxaa uu geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac warar hordhac ah oo soo gaaray Halgan.net ayaa xaqiijiyey in uu qarax ku dhintay Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Siciid Nuur Mugaambe iyo Guddoomiyihii gudiga olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow Wiish,waxaa soo baxaya warar is khilaafsan nooca uu qaraxu ahaa iyo cida fulisay.

Qaraxa ayaa warar aan la hubin oo hordhac ah ay sheegayaan in ay ku dhaawacmeen xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ,Xildhibaan Mowliid Macaan iyo Yaasiin Bucul iyo laba wasiir oo kala ah wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, C/llaahi Goodax Barre iyo wasiirka ganacsiga iyo war shadaha,Ugaas C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, iyo la taliyaha ra’iisul wasaaraha dhinac war faafinta Cabdi Xaaji Goobdoon.

Waxaa sidoo kale jira dadweyne rayid ah iyo wariyayaal ku dhaawacmay qaraxa saaka ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Muqdisho ,wariyaasha ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxay kala yihiin.

1-Maxamed Shariif oo ka tirsan Bar-kulan

2-Axmed Cali Kaahiye oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye

3-Xamdi Xiis oo ka tirsan Somali Channel

4-Ayaan Guure oo ka tirsan S24 TV

5-Shuuriyaako oo ka tirsan Idaacadda Shabelle

6-Deeqo Maxamed Axmed- oo ka tirsan Radio Muqdisho

7-Suleymaan Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan NUSOJ .

Waxaa kale oo haatan na soo gaaray ayaa sheegaya  in Fanaan Axmed-dey Cabdi Gaashaan  uu ku dhaawacmay Qaraxa dhaawaciisa ayaa lagu sheegay in uu culus yahay.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online