Qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan DFKM oo ku sugan magaalada Baydhabo

April 12, 2012 - Written by

Baydhabo:-Waxaa galabta qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan DFKM ee magaalada Baydhabo kuwaas oo ku sugnaa agagaarka hotel Caalami oo ku yaal bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 7 qof oo isigu jirta ciidamada DFKM iyo dad rayid ah oo waddada marayey goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa durbadiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan DFKM oo ay weheliyaan kuwa Itoobiya

Ciidamadii ku dhaawacmay qaraxii lagu weeraray galabta ayaa la geeyey  isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay .waxaa kale oo caawa lagu weeraray Hoobiyaal Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo halkaas oo xarun u ah ciidamada Itoobiya.

Weerarka ka dib ayaa ciidamada Itoobiya waxay qabteen dadweyne ka dhawaa goobta iyaga oo u kaxeystay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,783 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>