Ra’iisul Wasaaraha oo booqday dhaawacyada Isbitaalada Madiino iyo Daarul Shifa(Warsaxaafadeed)

April 6, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehliyaan kuxigeenadiisa Gaashaandhiga iyo Ganacsiga Xuseen Carab Ciise iyo  C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa saaka booqday dhaawacyada ku jira Isbitaalada Madiino iyo Daarul shifa kuwaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxii 4-ta bishan ka dhacay golaha Murtida iyo Madadaalada National Theatre xilli ay ka dhaceysay munaasabada sanadguuradii 28-aad ee TV-ga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u salaamay una weydiiyay xaaladooda inta badan dadkii dhaawaca ahaa ee jiifay Isbitaalada Madiino iyo Daarul shifa wuxuuna Alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo, wuxuuna dhanka kale tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxii fuleynimada ahaa ee ka dhacay National Theatre.
“Waxaan Alle idiinkaga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah idin siiyo, dowladduna waxay idiin balan qaadeysaa inay talaabo cad ka qaadeyso kooxihii falkan geystay, mana uga hari doonto dhiiga shacabka ee ay daadiyeen” ayuu yiri R/wasaaraha oo ku hanjabay in kooxaha dhagar qabayaasha ah aysan ka niyad jabin doonin shaqada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhaawacyada uu maanta isbitalka ku booqday Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa qaar ka mid ah shaqaalaha Xafiiska, Weriyeyaasha, Ciidanka Xooga, iyo ururada bulshada Rayidka, wuxuuna si shaqsi ah ugu duceeyey inuu Alle bogsiiyo.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu u mahadceliyay maamulada Isbitaalada Madiino iyo Daarul shifa, wuxuuna uga mahadceliyay sida taxadarka leh ee ay gargaarka caafimaad ugu fidiyeen shacabkaasi dhaawacyadu soo gaareen.

 

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online