Raisulwasaaraha DFKM oo tacsi u diray eheladii Mowliid Macani iyo Faysal Xaaji Cilmi

April 8, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta tacsi qaran  u diray ugu horreyn shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladdii, qaraabadii iyo qoyskii ay ka geeriyoodeen xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud iyo Faysal Xaaji Cilmi oo labadaba ku geeriyooday Isbitaalada Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Geeridu waa xaq,Waxaana Eebbe uga baryeeynaa in janadii Fardowsa ka waraabiyo, Dhamaan ummadda Soomaaliyeddna Samir iyo Iimaan ka hasiiyo” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud iyo Faysan Xaaji Cilmi, Waxey ku dhaawacmeyn falkii wuxuushnimada ahaa ee 4-tii April ka dhacay Tiyaatarka Qaranka. Waxaana labada Marxuun isla maalintiiba la dhiggay Isbitaaladda Daarul-shifa iyo Madiino ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booqday Isbitaaladii la geeyay 6-dii April 2012, Waxaana 7-dii April loo qaaday Isbitaalada Magaalada Nairobi oo ay halkaasi ku geeriyoodeen aroornimadii saakay saacadu markey aheyd 05:30 subaxnimo.

Mowliid Macaani Maxamuud waxa uu ahaa rug caddaa Siyaasi Soomaaliyeed oo waqtigiisa inta badan u huray u adeeggidda Shacabka Soomaaliyeed, Wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe, Isagoo soo qabtay heer agaasime iyo heer wasiir, Wuxuu kaloo waqtigiisa u huray hormarinta Isboortiga Soomaaliya oo uu ahaan jiray Garsoore Caalami ah ee Kubadda Cagta, Isagoona si fiican loogu xusuusto horyaaladda Jeneral Daa’uud iyo Kuwa gobaladaba.

Faysan Xaaji Cilmi, Waxa uu ahaa isku xiraha arrimaha bulshadda ee Xafiiska ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wuxuuna ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay inuu ahaa nin la socda arrimaha bulshad, hal abuur leh, waxqabad leh, Isagoona aad u xasuust waxqabadii uu xafiiska u qabtay, Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Marxuun Faysal oo ku soo wada koreen magaalada Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in bukaanada kale ee ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka loo qaadi doono dalka dibadiisa, si halkaasi loogu daweeyo haddii Isbitaalada dalka wax looga qaban waayo.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Shacabka Soomaaliyeed, Wuxuuna marxuumadaasi geeridooda ku tilmaamay mid ay dowladda ka xuntahay .

—DHAMAAD—
Xafiiska Raisulwasaare Gaas

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online