Sagaal qof oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka oo Muqdisho la keenay

April 16, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha ee Aden Cade Sagaal qof oo Soomaali ah kuwaas oo laga soo musaafiriyey dalka Mareykanka iyada oo ku galay dalkaas si dharci daro ah sida ay sheegeen laamaha socdaalka ee dalka Mareykanka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee DFKM C/samad Macalin Maxamuud oo la hadlaayay warbaahinta saaka ayaa sheegay in sagaalka qof ee la keenay maanta magaalada Muqdisho ay taransid ku sooo mareen dalka Kenya halkaaas oo ay keeneen saraakiil Mareykan ah oo ka socda laanta socdaalka ee dalkaas.

Ciidanka Nabad sugida ee DFKM ayaa su,aalo dhowr ah weydiiyey sagaalka qof ee saaka tarxiilka lagu keenay magaalada Muqdisho waxaana ay siidaayeen dhowr saacadood ka dib.

Sagaalka qof ee laga soo musaafiriyey dalka Mareykanka ayaa waxaa kagu eedeeyey in ay si sharci daro ah ku galeen dalka Mareykanka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,780 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>